HomeGuddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka oo Soo Bandhigay Warbixin ku Saabsan...

Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka oo Soo Bandhigay Warbixin ku Saabsan Gudashada Waajibaadka Shaqo ee Hay’addaha Dawladda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee golaha wakiillada Somaliland ayaa munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa waxay ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan heerka maamul daadajinta hay’addaha dawladda iyo shaqooyinka iyo lacagta miisaaniyadda wasaaraddaha ugu jirta gobolada iyo degmooyinku siday u fulaan taasi oo ka soo baxay kormeer ay gudidu ku soo martay gobolada iyo degmooyinka dalka.

 

Warbixintan oo ah tii afraad ee gudiddani soo saarto ayaa waxaa laf dhabar u ah xogaha laga helay isuduwayaasha wasaaraddaha u jooga gobollada oo warbixino ku saabsan xaqiiqda shaqo iyo dhaqaale ee gaadha gobollada iyo degmooyinka siiyay guddida. Guddidu waxay kormeer ku soo martay gobollada iyo degmooyinka, waxayna haatan soo bandhigtay xaqiiqada ay kala soo kulantay.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray sida ay wasaaraddaha dalku xafiisyo ugu leeyihiin gobollada iyo degmooyinka, sida ay u haystaan gaadiid iyo kaabayaasha shaqooyinka ay bulshada u hayaan.

 

Warbixintan gudidda oo ka kooban 69 bog ayaa waxa ka muuqda in la galiyey wakhti iyo dadaal islamarkaana ay ku qoran tahay xoggo rasmi ah oo ay gobolada iyo degmooyinka dalku ku faahfaahsan yihiin. Waxa ay tani muujinaysaa sida ay Jamhuuriyadda Somaliland heegan ugu tahay una dardargalinayso wadada horumarka ee ay hayso.

 

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi “Obama” oo ah guddoomiyaha gudida dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranka ee aqalka wakiiladda ayaa halkaa ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo kormeerkii ay gobolada ku soo mareen iyo warbixinta ka dhallatay ee ay maanta soo jeedinayaan.  “Kormeerku waa 9 cisho ah aannu ku soo maray 9 gobol, socdaal adag buu ahaa. Wasaaradda Waxbarashada ayaa wanka u gashay 22ka wasaaraddood”

 

Halkan Hoose ka Daawo Diyaarinta Gudidda iyo soo Bandhiggidda Warbixinta  oo Muuqaal ah:

 

https://www.youtube.com/watch?v=Hlad7mYl-Rw

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories