HomeGuddida Cadaaladda oo Isku-shaandheyn iyo Magacaabis ku Sameeyay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Qaarkood

Guddida Cadaaladda oo Isku-shaandheyn iyo Magacaabis ku Sameeyay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Qaarkood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Gudida Cadaalladda Somaliland ayaa maanta isku shaan-dheyn balaadhan ku sameeyay Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Goboladda galbeedka oo ay isku bed-bedaleen.

Waxa sidaas lagu sheegay digreeto uu maanta soo saaray Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, waxaanay digreetadaasi u dhignayd sidan:

Xuseen Axmed Caydiid1. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo hore u ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.

2. Gudddoomiyihii Rafcaanka Saaxil, Cali Suudi waxa laga dhigay Garsoore maxkamadda Rafcaanka Hargeysa.

3. Guddoomiyihii Maxkamadda degmadda Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel waxa laga dhigay gudoomiyaha Maxkamadda Degmadda Gabilay, waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid.

4. Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Gabilay Feysal Cabdilaahi (Dega-dago) waxa uu noqonayaa Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex.

5. Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Durraan waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Maroodijeex.

6. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin waxa laga dhigay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.

7. Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdal Cabdiraxmaan waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.”

Waa markii koowaad ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  isbeddel sidan u ballaadhan ku samayso Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, in kasta oo dhowr jeer oo hore isku beddel lagu sameeyey Garsooreyaasha ka hawl-gala Maxkamadaha kala duwan ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories