HomeGuddi sharciyadday ku dhisantahay Madmadow ku jiro oo duray Dhismaha GOLAHA WADA-TASHIGA,...

Guddi sharciyadday ku dhisantahay Madmadow ku jiro oo duray Dhismaha GOLAHA WADA-TASHIGA, xisbiga UCIDna Farogelin qaawan ku sameeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Diiwaanglinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Somaliland ayaa, sharci-darro ku tilmaamay Golaha WADA-TASHIGA ee dhowaan lagaga dhawaaqay Hargeysa, iyaga oo sheegay inuu dalka mamnuuc ka yahay in dalka laga hirgeliyo Gole aan ka mid ahayn Saddexda Gole Qaran ee Sharciga Dalku jidaynayo.

Guddidii Diiwaangelinta Ururrada oo wakhtigan shaqadoodu oo wakhtigan ku hawl-gala U-kuur-galka ku dhaqanka Nidaamka Dimuqraadiyadda iyo Anshaxa ee Xisbiyada Qaranka, ayaa war-saxaafadeed ay Maanta magaalada Hargeysa ka soo saareen, waxa ay xisbiga mucaaradka ah ee UCID kaga dalbadeen in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Guddoomiyaha Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta ku dhawaaqday Golaha WADA-TASHIGA oo xukuumaddu dagaal ba’an la gashay, iyada oo maalin walba warbaahinta ay dawladdu maamusho laga sii daayo shakhsiyaad cambaareynaya Golahaas.

Guddida Diiwaangelinta
Guddida Diiwaangelinta

Guddidani waxa ay war-saxaafadeedkooda ku xuseen eedayn ay Guddoomiyaha UCID ugu jeediyeen inuu ku biiray Gole-sharci darro ah oo aan dalka laga ogolayn, iyaga oo ka dalbaday xisbigaas maamuus ka xayuubin ay sheegeen inay jawaabtiisa uga fadhiyaan Xisbi-weynaha UCID.

War-saxaafadeedkan oo ay ku saxeexan yihiin Xubnaha Guddida Diiwaangelinta, ayaa u qornaa sidan:

Go’aan Guddi

Laga soo bilaabo la soo noqoshadii qaranimada Somaliland 1991 kii waxa Somaliland ku gulaysatay inay samaysato dastuur qaran iyo xeerar ka farcama.

Xeerarkaas oo ay ka mid yihiin qayb ku saabsan nidaamka siyaasadeed ee dalku yeelanayo sida ay tilmamayaan Qodobada 9aad , 22aad Iyo 32aad ee Dastuurka Qaranka iyo xeerarka kafarcamay sida Xeer No 14 iyo Xeer No 20 .

Xeerarkani waxay dejiyeen habraaca siyasadeed ee qaranku yeelanayo iyo sida looga qayb gelayo hadaba isu tag kasta ama cid kasta oo isku abaabusha nidaamka khilaafsan habkaa xeerarku dejiyeen waa sharci daro .

Hadaba Guddiga Diiwangelinta Ururada Iyo Ansixinta Axsaabta Qarnku markay markay aragtay Qodobada 9aad 22aadiyo 32aad ee Distoorka Qaran iyo xeerarnka ka farcamay Xeer No 14 iyo Xeer No 20

Waxay Soo Saartay Go’aankan

Gudida-diiwaan-gelinta-300x1991) In golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee ay ku dhawaqeen koox siyaasiyeen ahi, uu yahay sharci daro aan meelna ka waafqasanayn shuruucda dalka J.S.L

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka dhex muuqda gole aan sharci ahayn , waxaanu faraynaa xisbiga UCID inay arintaas talaabo ka qaadan Guddidana u soo gudbiyaan jawaabtaas .

Saxeexa iyo magacyada Guddida

1. Abdi risaq Jamac Omar

2. Aadan Geedi Qayaad

3. Omar Hassan Ahmed

4. Hassan Ahmed Du,Ale

5. Maxamed Abdi Maalik

6. Ismail Abdilahi Ali

7. Abdale Ibraahim Mahamed.”

Go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta siyaasadda ayaa u muuqda mid ka shiidaal qaadanaya canbaaraynta Xukuumadda Somaliland la daba taagan tahay Golahaas Dalka lagaga dhawaaqay, kaas oo dagaal dhanka warbaahinta ah ay xukuumaddu ku qaadday una adeegsatay in ay ka difaacaan Dadweyne iyo Hay’addo kale oo cambaareeyey golahaas.

Sidoo kale, waxa isweydiin mudan sharciyadda ay Guddida Diiwaangelinta oo hawshooda Shaqo badankeedu ku ekaa Diiwaangelintii Ururrada isla markaana hawl-galladooda shaqo iyo sharciyadda dhismahooda mad-madow ku jiro, awoodda ay kaga hadli karaan Golaha ay ku dhawaaqeen siyaasiyiinta oo aan ahayn Gole Siyaasadeed Qaran balse sida ay Siyaasiyiintii ku dhawaaqday ku sifeeyeen, ah Gole Shacbi oo Wax lagu toosiyo.

Xubnihii Siyaasiyiinta ee ku dhawaaqay Golaha Wadatashiga ayaan ilaa hada wax jawaab ah laga haynin iyadoo Xukuumaddu warbaahinta maalin kasta dhaliilo ugu soo jeedinaysa, balse golahani waxa ay wakhti hore daboolka ka qaadeen in aanu golahoodu ahayn gole Qaran balse uu yahay gole toosin ah oo dalka ka bad-baadinaya jahwareer siyaasadeed oo ay sheegeen inuu dalka ka jiro.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories