HomeGuddi Iskeed Isu-xilqaantay oo Go’aamo Hordhac ka soo saaray Dhex-dhexaadin ay ka...

Guddi Iskeed Isu-xilqaantay oo Go’aamo Hordhac ka soo saaray Dhex-dhexaadin ay ka dhex-wadeen Garabyada Isku haya hoggaanka Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

SOLJAHargeysa (SLpost)- Guddi iskeed isu-xilqaantay oo ka kooban waayo-aragga bahda Saxaafadda Somaliland, ayaa go’aamo hordhac ka soo saaray Sulux iyo Isu-soo-dhawayn ay ka dhex-wadeen garabyada Isku haya hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo maalmihii u dambeeyey khilaaf ba’ani soo kala dhex-galay.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf oo dhinac ah, Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Maxamed-rashiid Muxumed Xasan oo dhinac ah, ayaa khilaafkoodu soo if-baxay markii todobaadkan ay soo kala saareen laba Guddi oo loo kala xil-saaray qaban-qaabada shirweynaha shanaad ee SOLJA, iyada oo xubnaha guddiga fulinta ee ururkuna ay la kala safteen garabka Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud.

Talaabadaas ayaa keentay in xubnaha guddiga fulinta badankooda oo ay goob-joog ka yihiin Guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha Guud, ayaa ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha ka dib markii sida ay ku eedeeyeen inuu sifo sharci-darro ku xannibay Xisaabaadka ururku ku lahaa Baananka iyo qalabkii xafiiska oo uu guddomiyuhu gurtay sida ay ku eedeeyeen.

Xubno ka tirsan waayo-aragga iyo odayaasha bahda Saxaafadda Somaliland oo ka mid yihiin Xuseen Cali Nuur, Axmed Ducaale Bullaale, Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab), Maxamed Aw-Aadan iyo Maxamed Cabdi Ilig, ayaa markay arrintu cirka isku-shareertay isu-xilqaamay xalinka khilaafka kala-irdheeyey ururka SOLJA, ayaa caawa soo saaray go’aamo hordhac ah ka dib markii ay dhegaysteen tabashooyinka ay sheeganayaan labada dhinac oo ka aqbalay dhex-dhexaadintooda.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Guddiga is-xilqaantay Maxamed Cabdi Ilig oo xambaarsan go’aamada guddiga, ayaa u qornaa sidan: “Guddi ka kooban odayaasha saxaafadda Somaliland oo ergo dhexdhexaadin ah ka galay khilaafka soo kala dhexgalay hoggaanka ururka suxufiyiinta ee SOLJA, waxay soo saartay;

  1. Waxaannu ka mahadcelinaynaa in labada dhinac ee isku khilaafay hawsha qabanqaabada shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ay si masuuliyad iyo tixgelini ku jirto u aqbaleen ergada odayaasha saxaafadda Somaliland, kalsooni buuxdana siiyeen.
  2. Ergadu waxay labada dhinac ka dhegaysatay waxyaabihii ay kala tabanayeen kadib kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen, kuna ballanqaadeen in sharciga loo noqdo, ergadu waxay soo saartana ay aqbali doonaan.
  3. Guddiga ergadu waxay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doontaa go’aamada. Dhammaan warbaahinta kala duwana waxay ugu baaqaayaan in aanay ka qaybqaadan wax kasta oo hurin kara khilaafka ururka si loo ilaaliyo jiritaanka iyo sumcaddiisa.”

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories