HomeGuddi Dhalinyaro Ah oo ku guulaysatay in Dib loo Furo Maktabadda GANDI...

Guddi Dhalinyaro Ah oo ku guulaysatay in Dib loo Furo Maktabadda GANDI oo saddex maalmood Quful ka laalaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Maktabada Gaandi ee magaalada Hargeysa oo ay wax ku akhristaan dhalinyarada iyo aqoonyahanka wax ka barata jaamacadaha dalka, ayaa shalay dib loo furay, kaddib amar madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ku bixiyey in sideedii hore lagu soo celiyo xarunta.

sssXarunta Akhrista ee Gaandi oo Maktabadda ugu qadiimsan caasimadda Hargeysa oo la furay sannadkii 1999-kii, isla markaana ay ku xidhnaayeen dhalinyaro tiro badan oo wax ku akhrista, ayaa xukuumaddu goobta ay ku taalo iyo dhismaheeda ku wareejisay Ganacsade reer Somaliland oo loogu beddelay dhul ganacsadahaasi ku leeyahay goob kale oo sida la sheegay loogu talo-galay in dhismayaal looga sameeyo Maxkamadda sare ee dalka.

Hoggaanka Sare ee dalladda Dhalinyarada ee SONYO, Daladda Naadiyada Akhriska, Ururka qorayaasha iyo bahda Abwaannada da’da yar oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay barxadda hore ee Maktabadda, ayaa sheegay in dedaal badan ka dib ku guulaysteen in dib loo furo xarunta oo isla shalayba hawlaheeda bilowday, waxaanay sheegeen in lagu furay amar madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo bixiyey.

Waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani, Saddam Xuseen Carab oo ka mid ah hoggaanka Ururka Qorayaasha iyo Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ka tirsan hoggaanka Naadiga Akhrista Somaliland, kuwaas oo ka mid ah Guddi dhalinyaro ah oo isu-xilqaamay xal-u-helidda xiisadda ka dhalatay in xaruntan lagu wareejiyo Qof ganacsade ah.

HALKAN KA DAAWO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories