HomeGuddi Bogaadin Mutaystay

Guddi Bogaadin Mutaystay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Mar kale, ayaa yididiilladii umaddu kobocday, xafiiska qandaraasyadda qarankuna ugu yaraan wuxuu kor u qaaday rajadda shacbigu ka qabay in la qaado talbooyin ku salaysan caddaalad iyo horusocod-nimo.

Iska caashaq maaha iyo amaan meel weyday’e, waxaa la isu saaray Qalinka iyo tawaadda inaynu dhiiri gelin iyo boggaadin uga dhigno hay’addan qaran talaabooyinka wanaagsan ee ay waddo. Inagga oo aan foggaan, waxaa la yidhi, ‘Beenaalle markhaatigiisa ayuu foggeeyaaye, waxaa aynu marag ahaan u xusaynaa todobaadkan ugu danbeeyay waa 8 September 2020. Waxaa Guddigu shaacisay qandaraasyo ay ka qaybgalleen tartarkoodda ilaa 115 shirkaddood, kuwaas oo 10 ka mid ahi ku guulaysteen fullinta qandaraasyaddii la naadiyay ee warbaahintu tebisay. ‘Qaylo kama yeedhin’ oo boqol iyo dheeraadkii shirkadood ee doorkan ka hadhay ma ay caban, waxaana ay boggaadiyeen, isla markaana ammaan u soo jeediyeen guddida qandaraasyada qaranka oo ay ku majeerteen hannaanka caddaaladeed ee ay ugu garsooreen tartamayaasha iyo sida daah-furnaanta ah ee ay umadda ugu adeegaan, sidoo kalena waxay u haneeyeen saaxiibadooda guuleystay. Sababta oo ah waxaa ay darreensan yihiin oo ban-yaal ahaa qaabka loo maamulayo hawsha.

Hadda garo oo waxaa laga hadlayaa waa nidaam u dhisan sida garsoorka oo had iyo jeer aan laga waayin cabatin iyo waa la’iga eexday. Haaheey, hore ayaa waxaa loo yidhi “Gari laba nin kama wadda qosliso’ oo mar kasta dhinacii wax laga xukumay ayaa isu arka in la duudsiyay si kasta oo loo cadeeyo garnaqaas. sidaas oo ay tahay bandhigan qandaraasyadda ah iyo kuwii ka horeeyay ba waxaa ka qayb-galayaasha u diiday cabashaddu waa daah-furnaanta iyo kalsoonnida ay qabaan oo qaarkood hore u guulaysteen, hadda ka dibna filayaan inay guulaystaan.

Marka aynu sidan u dhigayno ee hanbalyaynayno guddiga qandaraasyadda, macnaheeddu ma’aha inay is dhigtaan oo u fahmaan in ay gaadheen figtii ugu saraysay, laakiin, waxaan uga jeednaa ta koowaad inay oggaadaan in shacabkoodda iyo qarankoodduba og-yahay talaabo kasta oo ay u qaadaan dhinaca wanaagsan, sidaas darteedna la rabo inay ku sii dhiiradaan oo hore ugu marraan dhabaha ay hayaan ee wanaagsan. Ta labaad waa inaynu caddayno in caddaaladu tahay sirta nolosha qurxoon iyo badhaadhaha ifka ummadi ku gaadho. Waa astaanta iyo furaha guusha iyo jidka loo marro xasilloonida. Waxaa ay furtaa albaabada rajada, waxaana ay ka hortagtaa quusta iyo niyad jabka. Waxay abuurtaa qaran qofkiisu isku kalsoon yahay, dalkiisa ku kalsoon yahay oo ahaanshiisa iskula weyn. Islamarkaana aaminsan in hoggaankiisu yahay mid ku haboon oo Qarankan gaadhsiin karra himilooyin wacan. Halka caddaalad darradu ka soo horjeeddo kana dhasho cadaawad saameysa cid kasta dadweynaha ku abuurto cabsi. Waxaan raacinaynaa intaas oo affeef ahaan u dhiganaynaa, Xaasha;e, Hay’adda qandaraasyadda qaranka ma jiro jacayl gaar ah oo aynu u qabno oo kaga xullanay laamaha kale ee dawladda.

Gabagabadiina waxaa aynu u raacinaynaa, farriinta boggaadin kasta oo aan hawadda saraakiisha gacanta ku haysaay idiin soo marrinno, waxaa ka weyn ficilka aad muujinaysaan oo laga dheehan doonno wax qabadkiina ama wax qabad la’aantiina. Haa waan ku celinayaa waxaa midho-dhalka hay’ada ama midho-dhal la’aanteedu ku xidhantahay taariikhduna ku diiwaan gelin doontaa turjumaadda ka dhallata dhaqanka maareyntiina hawleed sababtoo ah hawl-qabadkaagu wuxuu leeyahay fal-celis la mid ah wanaag iyo wanaag la’aan. waxaa mar walba idin daba-taagan, xigmad-tidhaahda ‘Nin la tumay bay talo joogtaa’.

Qore: Mohamuud Cali Maxamed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories