HomeGORFAYNTA TOOLMOON

GORFAYNTA TOOLMOON

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Haddii aan qoraal iyo gefaf badan dhaliili lahaa Ilaahay ayaan i dirin, Haddii aan qaladkaaga sheegi lahaa kaygii ayaan la liitaa sxb, Haddii aan khaladkaaga sheegi lahaa, waxa aan ogahay in aad gef-u-joog tahay. Isku mashquuli inaad naftaada suubbiso keliya.

Waxa jira in naqdinta suugaanta iyo qoraalku ay beryahan aad u bateen, waxase aan u arkaa in aanay haysan majarihii saxda ahaa ee toosinata iyo sixidda sababo badan dartood. Haddaba waxa aan xusaya qodobo badan oo aan u arkay in ay muhiim u yihiin jihaynta habka gorfaynta iyo naqdina, waxana ugu muhiimsan qodobadan:

1. Qofka aad qoraalkiisa ama maqaalkiisa ka jawaabayso waa in aad ogolaansho ka heshaa sababo badan dartood.

  2. Waa in aad ehel u tahay aqoon iyo waayo-aragnimo hadba waxa aad gorfayanayso. Waxa dhacda in dad badan wax aanay aqoon u lahayn ay gorfeeyaan, sidaasna ay khalad ku dhacaan dadkana habaabiyaan.

3. Waa in aad ilaaliso anshaxa, xurmada iyo maamuuska gorfaynta suubban si aan loogu arkin mid aad ku weerarayso cida iska leh gabayga ama buuga aad naqdinayso.

4. Waa in aad qofka si gaar ah ugu sheegtaa waxa uu ku khaldan yahay kahor inta aanad golaha keenin; email, phone etc.

5. Waa in ujeeddadaadu tahay niyad wanaagsan ee aanay ahayn xaasidnimo iyo ku xumayn si aad ajar uga hesho.

6. Waxa aad cuskataa caddaymo iyo daliillo abbaaraya waxa aad muujinayso, si laguula arki karo.

7. Qofka aad naqdinayso waa in aad isku heer tihiin aqoon ahaan, da, ahaan.

8. Haddii aad gorfayanayso xogta ku duugan qoraal ama buug waa in aad kasoo qaadata qaybaha aad naqdinayso “Cuts” si laguula arko.

9. Waxa aad sheegtaa waxa qofkaas qoraalkiisa ama buugiisu ku wacan yahay.

10.Waa in aad soo bandhigtaa xeerar ama qodobo qofkaasi u jebiyay oo la isku raacsan yahay

Qofka islaamka ah in la dhawro magaciisa iyo karaamadiisu waa Tiirarka ugu culus ee dhaqanka diinteena Islaamka. Haddii aad ku gefto qof si badheedh ah waa danbi aan yarayn. Waxana aad markasta isku dayda in aad soo bandhigto wax dadku ay ku qanci karaan, waayo waxa jiri kara dad badan oo kaaga aqoon badan waxan oo akhrisan kara

Jamaal Cabdirxamaan Bullaale

Jbullaale@gmail.com

February 16, 2016

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories