HomeGorfayn: Sheekada “Filashadii Wacnayd”

Gorfayn: Sheekada “Filashadii Wacnayd”

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

 

Dhawaan baan fursad u helay in aan akhriyo sheeko faneed gaaban oo uu qoray Ibraahim Yuusuf oo ku magac dheer “Hawd”. “Filashadii Wacnayd” buu ahaa magaca sheekada aan akhriyey.  Waa sheeko u dhacaysa hab laga tebinayo cid ama qaabka loo yaqaan qofka saddexaad “Third Person”.

 

Higgaadda qoraalka, hab-dhigaalka dhacdooyinka iyo dareerinta sheekadu waa mid aad u heersarreeysa oo farshaxannimo iyo waayo aragnimo door ahi ku dheehantahay. Dherarka sheekada lafteedu aad buu u koobanyahay una soo urursanyahay.

 

Guud ahaan sheekadu laba qof, wiil iyo gabadh ballansanaa bay ku dul meeraysaa. Ballanta dhallinyartu isla bilawga sheekada ayey ka muuqataa. Wiilka arbaha/jilaha sheekada ah baa gabadha ka hor imanaya goobta ballanta. Goobtu waa goob guryo dunsan. Goortu waa madow cadceeddu hoyatay.

 

Ballanta ay labada ruux lahaayeen, inanta ayaa aad uga habsaamaysa. Si ka soor horjeedda ayuu wiilku goor hore imanayaa. Wiilku aad buu uga fekerayaa ballantaas iyo in ay u jari karto. Waxa keli ah ee wiilku gabadha u dhibsanayo maqnaansheheeda ayuu qoraagu ku sheegay in ay sal u ahayd kacsanaan dareen jinsi oo wiilka sidatay. Jidhkeeda in uu isku duubi lahaa, dhunkan lahaa iyada oo udgoon buu qoraagu jilaha ka yeedhsiiyey. Ballanta gebigeedu ba in aanay ujeeddo kale lahayn baa sheekada ku cad oo la qurxinayaa. Goobta iyo goorta ballanta ayaa ba ah kuwo dareennadan la olog ah.

 

Ugu dambayn, walaac iyo baqe badan ka dib, waa ay is-helayaan. Farxadda ugu way nee ee qoraagu u doortay in ay ku naalloodaan cid kasta oo akhridana tusaale uu uga dhigayo baa ah in ay isku fara baxsadaan oo dhunkasho iyo isku-dhegid iyo iskumilan ku idlaato arrintu.

 

Kolka laga hadlayo waxtarka guud ahaan sugaanta, gaar ahaan sheeko faneedda, waxa ka mid ah  aqoongudbin ama waayo-aragnimo in laga korodhsado. Sidoo kale sheekadu waa hab ka mid ah kuwa lagu gudbiyo aragtiyaha nololeeda iyo farriimaha la rabo in cid la gaadhsiiyo. Waxa yaab leh in sheekada “Filashadii Wacnayd” gudbinayso farriin foolxun iyo muuqaallo dhaqanka iyo diinta bulshada ba meel ka dhac iyo ceeb ku ah. In cawrooyin ay bannaanka soo dhigayso sheekadu iyo si aanu dan ka gelayn uu qoraagu u muujinayo baahida jilaha iyo hilawga shahwiga ah ee uu qoraagu ku abuuray baa laga dheehanayaa.

 

Waxa isweyddiin mudan casharka uu qoraagu rabo in Sheekadan la qaataa muxuu yahay? Hal sadar oo muujinaya ama tilmaamaya in ay wax xun faleen kuma qorna sheekada. Wax caadi ah in ay tahay oo aan gef iyo xume ahayn buu u ekaysiinayaa qoraagu sheekada. Ma in dhallinta loo qurxiyo in ay gidaarrada iyo huluulaha hablaha sharafta iyo dhaqanka leh ku faroxumeeyaan baa? Ma in wax wacan lagu tilmaamo in qofku xumaanta Sinada ku fikiro hadhowna falo ayaa dulucdu? Macnaha Filashada wacan ee Ibraahin ammaanayaa ma intaas baa? Dulucda sheekadu maxay tahay?

 

Haddii dhacdada sheekada la leeyahay waa wax marar dhaca, waxa daba taal waydiin ah: Qoraalku miyuu saxay ama cawaaqib xumo ka dhalatay gefkaas laga yaabo in dhallinyarta qaar ku dhacaan inna tusay? Hal marna miyuu tilmaamay ama muujiyey in ay meelkadhac ku tahay dhaqan iy diin? Warcelintu ‘Maya’ oo keli ah ma aha’e, qoraagu arrintan in uu raalli ka yahay bay muujinaysaa. Waayo sida farriintan kale uu u muujiyey si la mid ah buu khaladnimo ama gef ugu tilmaami lahaa qoraagu falka jilayaashiisa. Saw qoraagu macallin ma aha? Muxuu innagu barayaa sheekadan?

Iyada oo kolka hore ba ay yarayd dadka ku soo dhiirrada akhrinta sheekooyinka Soomaaliga ah, in loo sii dacareeyo oo dhaqanno sidan u foolxun iyo dareenno jinsi oo sidan u qaawan la soo hordhigaa, marka laga yimaad dhaqanxumada ay fidinayso waxa ay  dhaawac ku keenaysa ku dhiirrashada qoraalka soomaaliga ay dadku ku dhiirran lahaayeen.

 

 

Saddaam Xuseen Carab

Saddamcarab@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories