HomeGorfayn: Doorka Qurba Joogga Somaliland: Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Musuq Maasuqa. Qeybta 2aad

Gorfayn: Doorka Qurba Joogga Somaliland: Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Musuq Maasuqa. Qeybta 2aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

2.3: Muwaadiniinta labada jinsiyadood sita Maxaa ka reeban

Intabadan waddamada qaaradaha kala duwan ee aduunku, intoodda ogol labada jinsiyadood, waxa shuruucdooda ku qoran in aan muwaadinkaa labada jinsiyadood sita aan loo dhiibin, Xafiisyada dawllada ee muhiimka ah iyo waliba inaan la qori Karin Kuuliyadaha militariga, tiro aad u yar oo laga xusi karo Isreal ayaa ogol in muwaadinka isrealiyaanka ahi in isagoo jinsiyad kale sita hadana qaban karo xilalka waawayn ee wadanka, waana arin inta badan aan ka suurto galin aduunyada kale, isreali nimadu waa waxwayn dhexdooda, mana khiyaami karo waanay adagtahay inuu dano shisheeye u adeego isagoo xil waddankiisa u haya.

1.    Qurba joogga Qaaradda Afrika

Qurbo joogga afrikaanka ah ee ku kala filiqsan daafaha dunidda waxa  lagu qiyaasaa 169 million, siduu bangigga adduunku sheegay warbixintiisii 2012 (world bank:2012), qurbo joogga waddamadda afrikaanku waxay door wayn ku leeyihiin horumarka qaaradda africa, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka guud ahaan. Bal aynu daalacano Qurja joogga qaaradda afrika ee Waddamadda, Nigeria iyo Egypgt.

3.1: Nigeria

Waddanka Nigeria, waa waddanka ugu qurbojoogga baddan qaaradda afrika waxa lagu qiyaasaa in kabadan 17million oo Nigerian ahi ay yihiin qurbojoog ku kala filiqsan dacaladda dunidda, (World Bank: 2012). qulqulka aqoonyahanka, dhalinyaradda,waxgaraddka iyo hormoodka bulshada oo ay sabab u tahay, siyaasad xumo iyo xukuno macangag ahi, oo shacabka dhaxalsiiyay, duruufo nololeed oo xun, fursad la’aan, musuq maasuq, dhaqaale xumo, caddaalad daro iyo collaaddo sokeeye.

2012kii Wax soo saarka iyo dakhliga waddanka soo galay ee loo yaqaano ( Gross National Product GNP) boqolkiiba toban 10% ayaa laga helay qurbojoogga Nigeria oo xawilaadaha la soo dhigay oo u dhigmaysay 21 billion oo dollar. (World Bank: 2012).

3.1.1.: Doorka siyaasadeed ee qurba joogga Nigeria

Qurbajoogga Nigeria si dadban iyo si toos ah ayay saamayn ugu leeyihiin siyaasadda iyo dhaqaalaha waddankaas, Sharcigga jinsiyadaha Nayjeeriya wuxuu ogolyahay in muwaadinku yeelan karo laba dalasho (dual citizenship), balse Muddo dheer waxa siyaasadda ku soo botorinayay qurbajoogga, waxay taasi horseeday dhacdooyin soo dadajiyay in siyaasadda Waddanka Nigeria laga xakameeyo qurbojooga, waxana ka mid ahaa dhacdooyinkaas:-

  1. Musuq maasuq baahsan oo ay khayraadkii waddanka kaga gateen guryo waddamadii ay dhalashooyinkooda sitteen.

2-Waxa sare u kacay, qulqulka dhalinyaradda iyo aqoonyahanka, iyadoo qurbojoogga ku soo fatahay waddanka, ee misana boobay hantidii qaranku ay dhiirigalisay tahriibka.

3-Hoos-udhac wayn oo dhaqaale oo waddankii soo foodsaaray iyo dagaalo salka ku haya kala jiidasho khayraadkii waddanka ah.

4- Waxa khilaaf iyo kala qaybsanaan wayni ku dhex timid qurbojoogii Nigeria. 

3.2: Egypt

Waddankan masar oo ah waddan xadaaradd waawayn oo qadiimi ah leh, kana mid ah waddamadda ugu dadka baddan qaaradda Africa, tiradda qurbajoogta reer masar ee ku kala quban daafaha dunidda waxa lagu qiyaasaa 2.7 Million masaari ah, waa waddan waxsoor baddan leh. (World Bank: 2009)

2009kii, sidda laga soo xigtay bangiga aduunka, Masar waxay noqotay waddankii ugu baddnaa barigga dhexe oo dhan, ee hela qaadhaanka qurbo joogaa (remittances), xaddi lagu qiyaasay $7.8bn, waana boqolkiiba 5% dakhaliga dhaqaale ee waddanka soo gala. Waddanka oo leh wax soosaar, hormarna ka gaadhay dhinaca ciidamadda iyo warshadaha. (World Bank: 2009)

3.2.1 Doorka siyaasadeed ee qurbajoogga Masar

 

Qurba joogga waddanka masar waxa lagu tirayaa, qurba joogyadda ugu xirfadaha baddan, ee aqoon iyo kartiba leh, sumcadna ku dhax leh waddamadda ay ku nool yihiin.

Taariikhda masaariddu waxay ku abtirsataa, xukun milatari iyo afganbiyo siyaasaddeed. Inta badan waxa maamulayay ciidamo, sharcigga jinsiyadaha waddankaas ayaa ogol, in muwaadinku yeelan karo laba sharci (dual citizen ship), sharcigu wuxu kaloo dhigayaa, in qofka haysta laba sharci, ay mamnuuc  ka tahay in uu ka mid noqdo ciidamadda, ama la qoro kuuliyadaha ciidamadda, ama uu isku soo taago doorasho baarlamaan. Waxay ka hortagaysaa, in la dhiirigaliyo tahriibka, boobka hantidda qaranka iyo inay tartan u soo galaan qurbajoogu kala hororsashadda xilalka dawladda.

2.    Qurba joogga Qarradda Aasiya

Qaaradda Aasiya oo ah qaarad aad u balaadhan, waxaynu si kooban ugu lafa guri doonaa waddanka Hindiya oo ka mid ah waddamada horumarka balaadhan ka gaadhay, dhinaca, waxsoosaarka warshadaha, beeraha, technologyada iyo human capital kaba.

4.1: Hindiya

Waddanka Hindiya waa waddan baaxad ahaan, dad ahaa, aqoon ahaan, tiknoolajiyad ahaan, iyo wax soosaar ahaanba ah waddamada ugu horumarsan qaaradda aasiya, tiradda qorbajoogga hindiyaa waxa lagu qiyaasaa ,28,455,026 (Siddeed iyo labaatan million, afarboqol iyo shan iyo kontonkun iyo lix iyo labatan), Qorba joogga hindiya waa kuwa ugu muuqa dheera waddamada ay dageen, lana fal galay, horumar baaxadlehna ka sameeyay, Waddanka hindiya oo ah dal dimuquraadi ah, wuxuu dhiirigalin, taageero iyo soo dhawayn u sameeyaa qurbajoogiisa asal ahaan ka soo jeedda waddankiisa, Waxay u abuureen  komishan arimaha qurba joogga qaabilsan. Si loogu dhiiri galiyo soo dhawyantooda iyo maalgashigoodaba.

4.1.1: Doorka siyaasadeed ee qurba joogga India

Waddankan hindiya, waa mid ka mid ah , waddamadda ugu horeeya aduunyadda ee hella lacagaha, qurba joogga ee ugu baddan, 2013kii waxa waddanka hindiya qurbajooggu u soo direen $70 bilyan oo dollar, waa xaddi lacageed oo tiro baddan, kana noqonaysa dakhligga guud ee waddanka 4% (World bank: 2013), miisaan balaadhan ayay ku leeyihiin, door muuqdana way ugu jiraan dhaqaalaha waddankaas, arimaha siyaasadda markaynu eegno, waxay ku xidhamaysaa ‘Indian citizenship law’ ama xeerka jinsiyadaha oo dhigaya inaanay hindiya ogolayn muwaadin laba jinsiyadood sitta in loo dhiibo mansab dawladeed ama la qoro kuuliyadaha ciidamada. muddo baddan oo ay dood iyo halgan baddan ku jireen qurbajoogu, waxa loo ogolaaday aakhirkii inay helikaraan, multiple visa- waddankana ay soo booqan karaan markay doonaan, intay doonaana jooggi karaan, lakin waxa ka reeban inaanay maalgashan Karin beeraha sidoo kale aanay qaban Karin xafiis dawladdeed……La Soco……

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories