HomeGoogle Ka Baadh! – W/Q: A/Fataax Ceelaabe

Google Ka Baadh! – W/Q: A/Fataax Ceelaabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xasuusta Maskaxdeenu Berigii hore Waxa ay inoogu Jirtey Kaalin aad u muhiim ah,Berigii hore Inta badan Waxa aynu Naqaano Maskaxdeena Ayaa Keydka Xasuusta inoogu Heyn Jirtey. In badan oo wax la akhriyo, In badan oo wax la Dhageysto, In badan oo wax la Daawado intaba Maskaxdeena Ayuun baa laga baadhi Jirey, laakiin Maanta sidii Internetku u soo baxey Waxaad Mooddaa in isbedel ku dhacey Heynta qaadkii badnaa ee Maskaxdeena.

Xasuustii Internetka Wixii lagu soo Arkey Ayaa maskaxdaada ku badan,Maskaxdaadu waxa ay Xasuusataa waa warar ama Qoraalo aad Internetka ka Heshay,Ma xasuusato kama Fekirto waxa ay iyadu sameysey ama soo Kordhisey.Nolol ku saleysan Helida Macluumad ama kala warqaadasho Ayaa wakhtigan lagu Noolyahay,Haddii intenetku Hawada ka baxo ama sida Google.com oo kale la waayo Wax badan oo maanta dadka qaarkood u fudud Ayaa isbedelaya. Xasuusta Maskaxda ka baxsan iyo Keydka labaad ee Maskaxda caawiya Ayuu Noqdey,Inta shebekad ku diyaar ah,Inta qoraal ku diyaar ah,Inta sawiro kugu sugeysa,Inta dhageysi iyo daawasho laga helaayo,Inta Download ka buuxda,Inta Qoraal rasmi ah iyo PDF kuugu Diyaar ah,Inta Nashqado iyo Sawiro Dhul,deegaan iyo Dhaqan kuugu diyaar ah,Inta Taariikh,Qoraal,Buug iyo Aqoonyahan aad ka heleyso Cilmigiisii,Inta Buug iyo Barnaamijyo iib ah aad ka Akhrisaneyso lama soo koobi karo.

Qofna Maskaxdiisa kuma Daalinaayo Fikir culus marka uu og yahay wixii uu doonaayey oo ku diyaar ah Google.com Weliba sida uu u rabey loogu soo Habeeyey ama Qorey.Marka wax kasta aad heli karto ama soo Daabacan karto waad is dhiganeysaa.Adeegsiga WWW.Ayaa wax badan soo Dhaweysey,Qofkuna marka  uu wax kasta ka soo baadho Google.com Maskaxdiisii Ayaan in badan Fikireynin.Click Ayaa ka xigta wax kasta kaagamana Baahna in aad Maskaxdaada ku dawakhiso ama Xasuusnaatid Markaad Hawshaada ka dhameysto waad iska Tuureysaa.Markasta oo aad ilowdo ama Macluumaadkii uu ka baxo dib Ayaad uga soo HeleysaaInternetka adiga oo isticmaalaya google.com ama magaca Shebekadii laga Helaayey.dadka Cilmi baadhista Sameeya Ayaana kaalin weyn uu ugu Jiraa Google.com

Berigii hore wararka iyo Macluumaadka waxa laga heli jirey Saaxiibada iyo Shaqaalaha ama dadka kala duwan,Maanta warkii iyo Aqoontii oo dhanba waxa aad ku Heleysaa Isku xidhka Khadka Internetka adiga oo Isticmaalaya Computer,Arintana waa mida keentay in Qof kastaaba wakhtigiiisa ku lumiyo Dul  fadhiga Computerka oo uu Xitaa Yareeyo la hadalkii iyo ku Xidhnaantii Asxaabta.Isticmaalka Computer iyo Qaaraacida Keyboardka Ayaa dad badan ka mashquuliyey la kulanka iyo Sheekada asxaab badan.Fikir iyo wax Akhris iyo Xasuus ka duwan Midii berigii hore aad laheyd Ayaa kugu beermeysa marka aad Internetka barato.Dadka Internetka ku Xidhan iyo kuwa aan Gelina isku Wax maanta ma oga.

Internetkana inta badan looma galo in wax laga qeybo hase ahaate waxa loo galaa In maskaxda lagu soo Kordhiyo wax ku cusub oo ay Xitaa mustaqbalka iska ilaawi doonto.Daabacadii warqadaha iyo buugaagta Internetka iyo Websites Ayaa Yareeyey.Barashada iyo Akhriska Online kuu ah Markasta ayaa badalay,Weydiinta su,aalaha iyo Baadhida Cilmiga aad rabto Ayaa dadku Ashqarar ka qaadeen.Ardey,Macalin,Dhakhtar iyo Siyaasiba waxa la baadhanayaa Google.com.Cashar  kasta iyo Shaqo kasta oo loo Diro Ardeydu waxa ay kala soo baxaan Google Search Internetka ah,Sidoo kale Macalinkuna buuga uu Ardeyga wax uga dhigaayo wuxuuba ka helay Google.com.Waxa ay ku socotaa in Ardeygu Yidhaahdo macalin Assignment aan Facebook kuugu soo Share gareeyo ee Halkaasi kala bax.

Ugu danbeyntii Google.com maaha meesha Keliya ee wax laga baadho ama wax la weydiiyo oo wey Jiraan shebekado kale laakiin aan marna ku dhaweyn google.com,Waana dhab in marar badan google.com ummada islaamka ahi uga cabato in la soo geliyo waxyaabo lagu cambaareynaayo diinta Islaamka,laakiin haddana qof kasta oo Internetka Fadhiya Waxa intooda badan u wada Furan Google.comoo wax laga baadhanayaa.Inta badana Google Somaalia ama Djbouti Ayaa ku soo Qoranta Midka Hargeisa marka aad Furto.

Abdifataah Mohamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories