HomeGoob-joogayaasha Caalamiga ah oo Qiimayn hordhac ka soo saaray Doorashada Deegaanka Somaliland

Goob-joogayaasha Caalamiga ah oo Qiimayn hordhac ka soo saaray Doorashada Deegaanka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Goob-joogayaasha Caalamiga ee ku sugan Somaliland, ayaa qiimayn hordhac ah ka soo saaray Doorashada Golaha Deegaanka ee dalka ka qabsoontay maalintii shalay, iyaga oo tilmaamay gol-daloolooyin ka muuqday hannaanka codbixinta.

Goob-joogayaasha waxa ay sheegeen inay ammaanayaashaan kaalinta haweenka codbixiyeyaasha ah iyo murashaxiinta da’da yari ka qaateen doorashada, haseyeeshee waxa ay wer-wer ka muujiyeen carqalado ku gedaamnaa doorashada, kuwaas oo ay ka tilmaameen carruur ka qayb-qaadatay doorashada, tayada agabka codbixinta oo liitay taas oo sababtay inay dadku codeyaan dhowr jeer.

blankSidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay Kooxaha Goobjoogayaasha ahi ka soo saareen magaalada Hargeysa, waxaanu isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:-

“Kooxda ka kooban 50 kormeerayaasha caalamiga oo ka socda 18 waddan oo kormeer ku sameeyey codeynta 20% in ka badan 1,700 goobaha cod-bixinta ah, kana xaadiray 15 ka mid ah 21 degmo oo dalka oo dhan ah oo doorashadu ka dhacday, isla markaana la socday inay markhaati ka noqdaan tirinta codadka goobaha ilaa fiidnimadii. Xubnaha Goobjoogayaasha ahi waxa ay sii wadayaan inay u kuur-galaan tirinta iyo kala-horeynta codadka inta ka horeysa natiijada ugu dambaysa.

Hawl-galkani waxa uu daba-socday kormeerka doorashooyinkii hore ee Somaliland ka dhacay sannadihii 2002, 2005 iyo 2010, kuwaas oo goobjoogayaasha caalamiga ahi ku tilmaameen inay si xor iyo caddaalad ah u dhaceen. Waxa si gaar ah u mudan in la xuso doorashadii madaxtinimada ee 2010 taas oo u qabsoontay si nabadgelyo ah iyo xilwareejin bisil.

Codbixintani waxa ay si gaar ah muhiimad ugu leedahay inay qaabayn doonto hannaanka siyaasadeed ee Somaliland  iyada oo go’aaminaysa saddexda xisbi ee tobanka Sanno ee soo socda ka qayb-qaadan doona doorashooyinka qaran. Iyada oo qiimaynta dhammayska tiran ee Kooxdu soo bixi doonto horaanta bisha December, qiimaynta hor-dhaca ahi waxa ay sheegaan, marka laga yimaaddo rabshado meel ka dhacay, meelaha qaarna aanay doorashadu ka qabsoomin degmooyinka gobollada Bari qaarkood, haddana codbixiyeyaasha si ballaadhan oo xamaasad ku jirto ayey doorashada ugu soo baxeen.

Waxyaabaha sida weyn loo xusi karo waxa ka mid ah inay dumarku si weyn uga qayb qaateen codbixinta, koboc ku yimi murashaxiinta haweenka ah, da’ yar murashaxiin ah oo si weyn uga qayb-galay doorashada oo ay sabab u tahay da’da murashaxnimada oo hoos loo dhigay. Si kasta ha ahaatee, marxaladdan kala-guurka ah, waxa soo if-baxay dhowr arrimood oo wer-wer muujiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay codbixiyeyaasha ku jireen dad ka yar da’da codbixinta iyo meelaha qaar oo dadku ku noq-noqonayeen codbixinta.

Goobjoogayaahsu waxa ay sidoo kale soo tebiyeen in meelaha qaar ciidamadu ammaanku awood xad-dhaaf ah ku adeegsadeen meelo dibadda ah goobaha codbixinta, iyada meelaha qaar nidaamka doorashada qaab liidata loo maamulay, sida dib-u-dhac ku yimi furitaanka goobaha codbixinta; qabalka doorashada oo aan ku filneyn; iyo dhibaatooyin farsamo oo xagga ilaalinta codka ah, sida khadka lagu calaamadinayay qof codeeyey oo aad u liitay.

Tixgelinta Arrimahan oo dhammaystiran waxaanu la sugaynaa warbixintayada wakhtiga kala guurka ah. Sidaas oo ay tahay, Waxaanu ku boorinaynaa Guddida doorashooyinka Somaliland inay xaqiijiyaan tirinta codbixinta oo sax iyo ku-dhawaaqista natiijada kama-dambaysta ah.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories