HomeGole-weynaha Baarlamanka Somaliland oo ogolaaday in laga qayb-galo shirka London, wax-ka-beddelna ku...

Gole-weynaha Baarlamanka Somaliland oo ogolaaday in laga qayb-galo shirka London, wax-ka-beddelna ku sameeyey Xeer hore u jiray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 05 Feb, 2012 (Ogaal)- Golayaasha labada aqal ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si aqlabiyad ah ku ogolaaday in xukuumaddu ka qayb-gasho shirka Soomaalida ee magaalada London isla markaana wax-ka-beddel ku sameeyey xeer hore goluhu u ansixiyey kaas oo dhigayey in qof metelaya Somaliland aanu ka qayb-gali karin shir Soomaalida loo qabanayo.

blankKulankan ay maanta isugu yimaadden labada aqal ee Baarlamanka Somaliland oo uu shir-guddoominayey guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa ka soo qayb-galay 109 xildhibaan oo ka mid ah 164 xubnood ee labada aqal ee Wakiillada iyo Guurtida.

Kulankan oo ay xildhibaannadu kaga doodeen isla markaana ku falan-qeeyeen wax-ka-beddel lagu sameeyo xeer hore Baarlamanku u ansixiyey kaas oo Somaliland ka dabrayey inay ka qayb-gasho shirarka Soomalida, waxa ay ugu dambayntii isla garteen in Dawladdu ka qayb-gasho iyadoo halkaas cod gacan-taag ah xildhibaannadu ku ansixiyeen. Wax ka beddelka xeerkan waxa ogolaaday 101 xildhibaan, waxa diiday saddex xildhibaan, waxaana ka aamusay afar xildhibaan guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasna waxa ku ansaxay Xeerkan ogolaanaya inay Somaliland ka qayb-gasho shir kasta oo Soomaalida loo qabanayo isla markaana dan ugu jirto Somaliland

Qabsoomidda Kulankan ee maanta ayaa ku yimi ka dib markii madaxweynuhu shalay kulan qado xildhibaannada labada gole kula yeeshay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu ka dalbaday golayaasha inay wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo Xeer Sannadkii 2004tii Golihii Wakiillada ee wakhtigaas uu ansixiyey kaas oo qof kasta oo sita magaca Somaliland dambiile ka dhigayey ka-qayb galka shirarka Kooxaha Soomaliya loo qabanayo.

Si kastaba ha ahaatee, Golayaasha sharci-dejinta iyo fulinta ee dawladda Somaliland ayaa tan iyo markii uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo talada qabtay u muuqda kuwo wada-shaqayntoodu aad isugu dhawdahay, iyada oo la odhan karo Golayaasha Baarlamanka, gaar ahaan Wakiillada iyo Xukuumadda Siilaanyo waxay isula jaan-qaadeen si ka fiican sidii Xukuumadihii hore ay u wada shaqayn jireen, iyada oo ay mararka qaar taasi lumiso masuuliyaddii iyo waajibaadka looga baahan yahay golahaas, waxaanay dadka arrimaha siyaasadda iyo shuruucda gorfeeyaa qaarkood tilmaamaan inay Xukuumadda iyo Goloyaasha kale ee Qaranku isku milmeen.

Hase ahaatee, tallaabadan maanta la qaaday waxay dad badani u arkaan inay tahay mid ay mar horeba Somaliland u baahnayd, iyada oo Xeerka wax-ka-beddelka lagu sameeyay Xukuumadihii hore ku noqday dabar ay ka tallaabsan waayeen, isla markaana uu sii fogaaday aqoonsiga iyo taageerada siyaasadeed ee ay Somaliland uga baahan tahay caalamka oo inta badan marka laga hadlayo qaddiyadda Somaliland dib ugu soo celiya Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahayd intii u dhaxaysay 1960-kii ilaa 1991kii

Waxaanay dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ahi soo dhawayn karaan natiijo togan ama tabnaan karta oo laga gaadho gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, haddiiba si saraaxad leh Somaliland ay Soomaaliya uga dhammaysato arrimeheeda caalamku ku soo riixo inay kaga xidhan yihiin dalkii ay hore uga mid ahaan jirtay.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories