HomeGole Kulmiyey Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan Miisaan Culus oo loogu Wanqalay GOLAHA WADA-TASHIGA...

Gole Kulmiyey Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan Miisaan Culus oo loogu Wanqalay GOLAHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA oo Hargeysa lagaga Dhawaaqay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeys (SLpost)- Waxa maanta  magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay Gole loogu magac-daray ‘Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka’ kaas oo ay ku bahoobeen xubno mucaarad ah oo isugu jira Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Mujaahidiin iyo Shakhsiyaad kale.

Golahan oo ay xubno ka yihiin siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada mucaaradka iyo Ururradii ku hadhay doorashadii goleyaasha Deegaanka ee sannadkii hore dalka ka qabsoontay, ayaa war-saxaafadeed lagu shaaciyey ujeeddada aasaaskiisa lagu sheegay ka dib markii ay u cuntami wayday nidaamka hoggaamineed ee xukuumadda Kulmiye ku hagayso siyaasadda dalka iyo Maamulka gudahaba.

War-saxaafadeed xambaarsan ujeeddada loo aasaasay Golahan iyo Waxyaabaha ay daliishanayaan, ayaa u dhignaa sidan: “Marka hore waxa aan ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto leeyahay Ramadaan Kariim.  Bishan bisheedana ku gaadha badhaadhe iyo barwaaqo.

ibraahim dhegawayneIntaasi ka dib, waxa farxad weyn ii ah anigga oo ah Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne) oo ah Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka in maanta oo ah Arbaca, 10 July,  2013. Ku dhawaaqno oo shaacino jiritaanka golahan cusub iyo baahiyhii keenay abuuritaankeeda iyo ujeedooyinkeeda.

 Ka dibna markii aanu aragnay:

  1. Xalaada guud ee dalku maraayo
  2. Gooni isutaagii iyo qadayadii madaxbanaanida Somaliland oo madmadow la geliyay, isla markaasna dalkii  go’doon laga geliyay beesha caalamka.
  3. Balanqaadyadii ay xukuumadda ku gashay xilligii ololaha doorashada madaxtooyadda ee 2010 oo aan intoodii badnayd la fulin ama la hirgelin.
  4. Eexdii, qabyaaladdii, musuqmaasuqii iyo hantiboobkii oo maraaya meel aan hore loo arag abid.
  5. Hantidii ummada iyo awoodii dowladnimo oo loo isticmaalaayo in lagu furfuro laguna kala qeybiyo midnimadda shacabka SomalilandL laguna cabudhiyo saxaafadda madaxabanaan iyo Xisbiyaddii qaranka.
  6. Taladii dalka oo gacanta u gashay shakhsiyaad aan loo igman oo dano gaar ah leh oo runtii aan dalka iyo dadka toona midna u tudheynin.
  7. Sida ay isku-milmeen xukuumaddii, golayashaashii sharci dejinta, iyo garsoorkii  qaranka halkaas oo ay ku luntay isku-dheelitirkii awoodeed ee dalka
  8. Aragnay wax ka qabasho la’aanta cabashooyinka beelaha iyo weliba isku-dhacyadda dhexmara.
  9. Niyadjabka, shaqo  la’aanta, quusta, rajo xumada, iyo tahriibta ku  habsatay ummadii SL guud ahaana, gaar ahaana dhallinyaraddii lafdhabarka u ahayd dalkan.
  10. Sida dastuurkii iyo shuruucdii dalkani lahaa loogu tumanaayo.
  11. Wadatashigii & isku tanaasulkii  ay Somaliland ku soo caano maashay intii ay jirtay oo loo bedelay in aan la isku joojin.
  12. Beelihii darafyadda oo ka maqan dhadhaaradii taladda dalka iyo awood qeybsigii.
  13. Caadaalad daradii oo si weyn ugu baahday dhamaan dalkii oo dhan iyo go’aanadii maxkamadaha oo aan la fuluneynin.
  14. Ilihii dhaqaale ama dakhliga sida dekadda, haamaha shidaalka, macjarkii, hey’adii wadooyinka, dayactirka (levy), lacagtii gurmadka, 2% loo qoondeeyay horumarka goboladda bariga oo si toos loo hoos geeyay madaxtooyadda iyada oo dano gaar ah loo isticmaalo.
  15. Dhaqaalaha ka soo gala dalka kheyraadka dabeeciga ah sida shidaadlka, macdanta, kalluunka,iwm. oo si gaar ah loogu takri falaayo heshiisyadoodana aan la soo marin baarlamaanka
  16. Dhimashadii, dhaawicii, dildilaaci, riiqdii, qeybsanaatii, qabyaaladii ay  inaga tagtay doorashadii golaha degaanka (28/11/2012) ee xukuumada SL musuqmaasuqday.

Haddaba, isku soo wada duuboo markii aanu araganay in dalka halis ku jiro oo cagta saaray tubtii ama dhabihii ay dowladuhu ku burburi jireen ayaa wada tashi dheer oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo debediisaba lagamamaarmaan noqotay in loo midoobo sidii loo badbaadin lahaa jiritaanka Qaranimadda JSL.  Sidaasi awgeed waxa abuurmay gole madaxbanaan oo la magac baxay ‘GOLAHA MADAXBANAAN EE WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA’.  Waxa la isla gartay in sida ugu dhakhsiyaha badan leh loo qabto Dood Cilmiyeed lagu lafo guraayo laguna dersaayo xal u helida dhibaatooyinka iyo caqabadaha faraha badan ee inna horyaala si loo helo Midnimo Qaran.

Xubnaha Golahani ka kooban yahay

1. Afhayeenka golaha Madaxa banana ee wada tashiga iyo toosinta qaranka Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhaga weyne

2. Gudoomiyaha Ururki Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac

3. Maxamed Xaashi Cilmi

4. Xildhibaan Cali Yuusuf Koore

5. Prof. Siciid Cabdi Caamir

6. Axmed Maxamed

7. Guddomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe

8. Maxamed Cismaan Yuusuf Isxal

9. Jaamac Xaashi Maxamuud

10. Cali maxamuud Xasan

11. Axmed Ibraahiim Xaaji xasan Iyo Qaar kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin kana Kooban Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Xubno kale oo dalka Miisan Culus ku leh.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories