HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo Yeeshay Shir aan ahayn iyo Arrimo Ka soo...

Golaha Wasiirrada Somaliland oo Yeeshay Shir aan ahayn iyo Arrimo Ka soo baxay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Maanta yeeshay Shir aan Caadi ahayn, kaasi oo lagu gorfeeyay hirgelinta Nidaamka E-Government (Somaliland E-government system) oo ah qorshe ay soo diyaarisay Wasaaradda Technology-yada ee Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ka dib markii uu dhamaaday, ayaa lagu faahfaahiyey qodobbada arrintan ku saabsan ee shirka lagu falan-qeeyey.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyey hirgelinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system).

Golaha Wasiirada Somaliland
Golaha Wasiirada Somaliland

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda,  ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigtay hirgelinta nidaamka E-government oo ah barnaamij hufan oo deg-deg ah kaasoo dhammaan adeegga dawladda u beddelaya habka horumarsan ee casriga ee la jaanqaadaya Tignoolajiyadda casriga ah (Electronic Government), si dawladda Somaliland ula jaanqaado horumarka Tiknoolajiyadda, waxaana barnaamijkani uu ka qayb-qaadan doonaa horumarka dhaqaalaha, fidinta adeegga bulshada, ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda, daah-furnaanta shaqada, maamul daadejinta shaqooyinka, xaddidaadda kharashaadka  haatan dawladda kaga baxa Tiknoolajiyada, keydinta iyo ilaalinta badqabka xogta dawladda  iyo fududaynta macluumaadka sharciga, wuxuuna isku xidhi doonaa hay’adaha laamaha dawladda isagoo midaynaya wasaaraddaha shaqo wadaagga leh.

Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u horraysay ee laga hirgelinayo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo muujinaysa heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu u guurtay.

Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana  nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo    waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII)”, sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories