HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo War ka soo saaray Saamaynta Baraha Internetka ee...

Golaha Wasiirrada Somaliland oo War ka soo saaray Saamaynta Baraha Internetka ee Bulshadu ku xidhiidho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta kaga hadlay arrimo dhowr ah oo saamaynta baraha Bulshadu ku xidhiidho ka mid yihiin, waxaanay war ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in shacabka looga digay warar been-abuur ah oo baraha bulshada lagu faafiyo.

blankFadhiga Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta qabsoomay, ayaa lagaga hadlayo arrimo door ah oo ku saabsan xaaladda Amniga, abaarta baahsan iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa markii uu shirku soo dhammaaday warbaahinta uga warramay waxyaabihii fadhiga lagaga dooday, waxana uu tilmaamay in xaaladda abaarta ee dalku ugu weynayd waxyaabihii shirka diiradda lagu saaray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Golaha wasiirradu waxa ay si qoto dheer uga wada-hadleen xaaladaha abaaraha dalka, iyada oo madaxweynuhu uu hore ugu dhawaaqay guddi uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenku oo ay ku jiraan dadka wax garadka ahi, hawshoodiina si wacan bay u socotaa, meelihii loogu talogalay iyo sidii ay wax u kala darnaayeenna shaqadii way uga socotaa, xukuumad ahaan waxa la isla gartay in hawshaas si baaxad leh loogu diyaargaroobo, iyada oo lala kaashanayo cid alle iyo ciddii ay hawshaasi qusayso, umadda reer Somaliland iyo dadka muxsiniinta ahba.”

Waxyaabaha kale ee shirka lagaga hadlay ayaa waxa kamid ahaa sidii ay bulshadu uga taxaddari lahayd Been abuurka iyo jaah-wareerka ka socda baraha bulshada (Social media), waxana uu goluhu shacabka usoo jeediyey inay ka dheeraadaan wararka goobahaas lagu faafinayo ee runta iyo xaqiiqadaba ka dheer, iskana hubiyaan wax kasta oo baraha bulshada lagu daabaco.

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku sheegay in goluhu fadhigooda si qoto dheer ugaga doodeen xaaladda amni ee dalka, islamarkaana uu wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo xog-warran buuxa golaha siiyey uu caddeeyey in amniga guud ee dalku meel wanaagsan marayo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories