HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo lagu soo Bandhigay Qorshe loo Dejiyey Dib-u-dhiska Suuqa...

Golaha Wasiirrada Somaliland oo lagu soo Bandhigay Qorshe loo Dejiyey Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu soo bandhigay Qorshe loo diyaariyey xuska 31-guurada maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18 May iyo Qaabka uu noqonayo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

blankShirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa warbixinno laga dhegaystay Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Suuqa Waaheen ahna wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka xog-warramay xaaladda ammaanka ee dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 91-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta lagaga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin diyaar garowga Xuska 18-MAY, dib u dhiska Suuqa Waaheen iyo Arrimaha Amniga Iyo Abaarta.

blankUgu horeyn waxa golaha war-bixin la xidhiidha Amniga dalka la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu dul istaagay xaaladda guud ee amniga dalku halka ay marayso, iyadoo wakhtigan lagu gudo jiro u diyaar-garowga xuska sannad guurada 31aad ee maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May. Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalilanad oo ah Gudoomiyaha Guddida agaasinka iyo qaban-qaabada xuska 18-May ayaa golaha wasiirrada u soo badhigay qorshaha dabaal-dega xuska sannad guurada 31 ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ee sannadka 2022-ka ee ay guddidu heer qaran diyaarisay ilaa hadda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Gudoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha uga waramay roobkii gu’ga ee dalka ka curtay, taasi oo uu xusay in guud ahaan dalka ay ka da’een roobab lagu qabowsaday, xaaladdii adkayd ee abaarta dalka ka jirtayna wax ka taray, waxaanu sheegay in guddida gurmadka abaartu ay sii wadi-doonan howlihii gurmadka abaarta ee ay hore u waddeen guddidu, taasi oo ay wali jirto baahida raashinka iyo nafaqaynta xoolihii abaartu saamaysay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ahna gudoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa golaha xog-waran ka siiyey hawlaha Gurmadka Suuqa Waaheen ee ay ilaa hadda guddidu qabatay oo ay ka mid yihiin diiwaangalinta khasaaraha uu sababay masiibadii dabka ee suuqa waaheen, diiwaangalinta ganacsatadii suuq ku ganacsan jirtay, dhaqaalaha loogu talo-galay suuqa waaheen ee guddiyada soo gaadhay, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi ay u qorsheeyeen in la siiyo dadkii dhibtu ka soo gaadhay masiibadii dabka iyo dib-u-dhismka suuqa waaheen, waxauu xusay in guddidu qorshaynayso sidii loo dhisi lahaa suuq casriya oo la jaan-qaadaya suuqyada caalamka, hawshaasina la kaashan-doonan Injineerada Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Dhulka oo ay wehelinayaan Ingineerada Dawladda Hoose ee Hargaysa iyo cid kasta oo hawshaasi khibrad iyo aqoonba u leh.

blankGaba-gabaddii shirka, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhammaan laamaha Dawladda ee gudaha iyo dibedda iyo shacabi-weynaha reer Somaliland ugu baaqeen in ay u diyaar-garoobaan dabaal-daga xuska maalinta Qaran ee 18 May, sida oo kale goluhu waxa uu ku dardaaray laamaha amniga in ay sii xoojiyaan hawlaha sugista amniga ee ay ku howlanaayeen.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories