HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo ka dooday Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedyada 2022 ilaa 2024-ka

Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka dooday Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedyada 2022 ilaa 2024-ka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshayOdoroska Miisaaniyadaha Sannadaha 2022 ilaa 2024-ka, kaddib markii goluhu Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ka dhegaysatay warbixin ku saabsan miisaaniyadaha saddex sanno ee socda iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.

Waxa arrintan iyo qodobbo kale lagaga hadlay Fadhiga 77-aad Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Maaliyadda, Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland.

blankWaxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha warbixin ka siiyey qorsheyaal lagu dardar gelinayo nabadgelyada guud ee dalka, halka ay xilligan marayso iyo dedaallada ay ciidamada kala duwan ee amnigu ugu jiraan sugidda amniga qaranka. Waax kale oo goluhu warbixin ka dhegeystay wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan oo golaha uga war bixiyey qodobbada uu ka kooban yahay buugga xogsidaha qaran (Country Profile) oo ay wasaaraddu soo diyaarisay loona qaybiyey nuqullo ka mida golaha wasiirradda.

Warku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo golaha warbixin ka siiyey oddoroska miisaaniyadaha 2022 ilaa 2024 iyo xaaladda dhaqaale ee dalka, isagoo wasiirku golaha la wadaagay saadaasha dakhliga iyo waxyaabaha mudnaanta la siinayo ee lagu kharash garaynayo, waxaana fadhiga lagaga wada hadlay xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay wakhtigan. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu dood guud ka yeeshay Oddoroska Miisaaniyadaha 2022 – 2024-ka

blankGebo-gabadii, waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in goluhu Warbixin ka dhegeystay wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka war-bixisey dedaallo ay wasaaraddu sii kordhisay oo lagaga hortegayo Xaalufka deegaanka, gaar ahaan shidiska dhirta qoyan ee dhuxusha laga sameeyo oo sida warka lagu sheegay muddooyinkan dambe si xawli ah looga ganacsado iyo dedaallada Wasaaraddu ilaa hadda kaga hor tagtay ama ku joojisay xaalufinta lagu hayo deegaanka oo ay laba jibbaareen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.nret

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories