HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo Go'aan ka soo saaray Shirkadaha FlyDubai vs AirArabia...

Golaha Wasiirrada Somaliland oo Go’aan ka soo saaray Shirkadaha FlyDubai vs AirArabia iyo Shuruudo lagu xidhay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saaray mowqifka xukuumaddu hore uga qaadatay hakinta duullimaadyada diyaaradaha AirArabia iyo FlyDubai oo hore looga joojiyey inay duulimaadyo ka sameeyaan Somaliland.

Fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada Somaliland maanta isugu yimaaddeen, waxa dood iyo falan-qeyn laga yeeshay go’aanka xukuumaddu hore ugu mamnuucday inay dalka ka hawl-galaan labadaas diyaaradood iyadoo la waafajinayo shuruucda dalka.

blank
Golaha Wasiirrada Somaliland

War-murtiyeed ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu go’aamiyey in xukuumadda Somaliland soo dhawaynayso Iskaashi dhexmara shirkadaha caalamiga ah iyo maalgelin dalka laga sameeyo, diyaaradaha AirArabia iyo FlyDubai la mid yihiin kuwaas, balse waxa inay diyaaradahaasi dalka dib uga bilaabayaan duulimaadyadood laga xidhay saddex qodob oo khuseeya arrimo sharci oo in la dhammaystiro ay tahay.

“Golaha wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay,” Sidaas waxa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada ee maanta.

Waxa war-murtiyeedka lagu go’aamiyey saddex shuruudood oo lagu xidhay in shirkadahaasi dib uga hawl-galaan dalka, waxaana lagu yidhi, “Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci madaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi.

Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay:-
– In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.
– In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.
– In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland.

Waxa kale oo war-murtiyeedka lagu sheegay, “Ugu danbayn golaha wasiirrada Somliland waxa uu hambalyo u dirayaa xuska maalinta shuhaadada Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 17-October-2020.

Goluhu waxa uu ku sifeeyey maalintan, maalinta geesiyaashii naftooda, maalkooda, iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimada iyo madax-bannaanida dalkeena, xiliyo kala duwan laga soo bilaabo halgalkii gobonnimo doonka Daraawiishta, kacdoonkii culimada, aqoonyahanka, suugaanlayda, halgankii axsaabta siyaasadda, halgalnkii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood-hurayaasha ilaa maanta naftooda halista u geliya difaaca jiidaha hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay Alle uga baryeen intii dhimatay in rabi naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna rabi caafimaad, cisi iyo sharaf ku waariyo.

Dhammaanteen, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadduba waa inay ka qayb-qaataan sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah iyo marxaladihii isdaba-joogga ahaa ee dalkeenu soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeennii nololeed iyo raad-raaca taariikhdeena.”

 

Somalilandpost.net

contact@somaliladpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories