HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo go'aamo ka soo saaray Maamulka Dhulka iyo Seerayaasha

Golaha Wasiirrada Somaliland oo go’aamo ka soo saaray Maamulka Dhulka iyo Seerayaasha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Fadhiga 81aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Sonmaliland oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Goluhu war-biximo kaga dhegaystay wasiirrada wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Horumarinta Caafimaadka iyo Hawlaha guud dhulka iyo guryeynta.

blankUgu horrayn goluhu wuxuu warbiximo ka dhegeystay Guddidii hore loogu xilsaaray ka soo talo bixinta xal-u-helidda mushkiladdaha soo noq-noqday ee dhulka. Dood iyo falanqayn dheer kaddibna waxa Golaha ka soo baxay qodobbadan la xidhidha dhulka:

1. In bulshada lagu wacyi-geliyo in aan xoolaha laga xidhan daaqa, maadaama xooluhu ay kaalin weyn kaga jiraan dhaqaalaha dalka, isla markaana aan laga maarmi karin faa’iidooyinka laga helo xoolaha. Dedaalka loogu jiro in la tirtiro seerayaasha daaqa ee cid gaar ahi xidhatay, ayaa soo taxnaa muddo dheer oo ka soo bilaabantay ilaa xukuumadihii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo in badan bulshada laga waaniyey in aan cidina si gaar ah daaq u xidhan karin, waxaana muuqata in dadka qaarkii aanay tix-gelin danta guud oo ah in daaqa la wada yeesho xooluhuna u sinnaadaan.

Sidaa darteed, cidda ka dhego-adaygta wacyi-gelintan cusub, dawladdu waxa ay ka qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan, isla mar ahaantaana, waxa gacanta dawladda dib loogu soo celin doonaa Seerayaasha hadda u xidhan cid gaar ah.

2. Waxa Guddida loo xilsaaray in ay dib u eegis iyo dib u habayn ku soo sameeyaan Siyaasadda dhulka Qaranka, golahana dib ugu soo celiyaan muddo gaaban kaddib, si loo ansixiyo.

3. In ay soo diyaariyaan Qabyo-qoraalkii Xeerka Maamulka Dhulka, golahana ku soo celiyaan, si loo dhammaystiro looguna gudbiyo Baarlamaanka.
In Guddidu sahan dheer iyo cilmi-baadhis ka dib ay muddo 30-maalmood gudahood ah talo urursan kaga keento kala-xadaynta Beeraha iyo Dhulka Degsiimooyinka ah.

Sidoo kale, waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Guddi hore loogu xilsaaray ka soo talo bixinta Isticmaalka Baraha Bulshada (Social Media). Waxaanay Guddidu Golaha uga war-bixisay caqabadaha ka jira isticmaalka Baraha Bulshada iyo tallaabooyinka loo baahan yahay ee xal u noqon kara caqabadahaas, iyadoo Guddida la siiyey inay muddo 30 maalmood ah ku keenaan tallooyin la xidhiidha sidii loo fulin lahaa qodobbada ay ku taliyeen in la fuliyo.

Ugu danbayn, Goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo uga war-bixiyey in uu socdo dedaalka ka hortagga iyo wacyi-gelinta Covid-19, Wasaaradduna ay xil weyn iska saartay in aan cusbitaallada waaweyn marnaba aan laga waayin Ogsajiinta oo bukaanka Covid-19-ku ku dhacaa ay baahi weyn u qabaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories