HomeGolaha Wasiirrada Somaliland Oo Go’aamo Culus Ka Soo Saaray Xaaladda Laascaanood

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Go’aamo Culus Ka Soo Saaray Xaaladda Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Fadhi deg-deg ah oo Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caawa ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada, ayaa laga soo saaray go’aamo khuseeya xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood iyo dagaalkii maanta ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo malleeshiyo-beeleed ka amar-qaata madaxda dhaqanka ee shirku uga socdo magaaladaas.

Kulan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood iyo mowqifka xukuumaddda Somaliland ee khuseeya xaaladda ammaanka ee magaaladaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in dood iyo falan-qeyn kaddib ay Golaha Wasiirradu soo saareen go’aamo isugu jira baaq, qayla-dhaan, mowiqifka Xukuumadda, waxaanay go’aamadani u qornaayeen sidan:-

  1. Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay Qaranka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad.
  2. Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan.
  3. Goluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood.
  4. Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado.
  5. Golaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa.
  6. Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday hiirtii hore ee saaka.
  7. Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood.”

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories