HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo dood ka yeeshay Siyaasadda Dhulka iyo Dhibaatada ka...

Golaha Wasiirrada Somaliland oo dood ka yeeshay Siyaasadda Dhulka iyo Dhibaatada ka dhasha Mulkiyaddiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta si qoto-dheer loogu falan-qeeyey siyaasadda xukuumadda ee ku wejahan Maamulka dhulka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha muranka soo noq-noqda ee dhulka.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu faahfaahiyey waxyaabaha lagaga hadlay fadhiga golaha wasiirrada ee maanta ayaa u qornaa sidan:-

blank

“Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo horumarinta maalgashiga.

Waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen siyaasada dhulka iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa  dhibaatada iyo muranka dhulka ee soo noq-noqday muddooyinkii u danbeeyey, siyaasaddan dhulku waxay diirada saaraysaa, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhulka, iyada oo goluhu guddi u saaray wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu samayn doono siyaasadda dhulka.

Waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada siyaasadda ganacsatada dhexe iyo ganacsatada yar yar, siyaasadaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku, iyadoo goluhuna kal-fadhiyada danbe ku soo celin doonaan golaha.

Ugu danbayntiina waxa golaha warbixin ka horjeediyey wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, oo ku dheeraaday hawlaha shaqo iyo horumarka wasaaradda isagoo golaha u soo bandhigay qorshayaashii u hirgalay. Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga  oo ka soo laabtay safarro uu muddooyinkii u danbeeyey ku marayey dalalka yurub ayaa golaha golaha warbixin ka siiyey kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay qaar ka mida masuuliyiinta dalalkaas iyo   shirkado maalgashi, waxaanu wasiirku sheegay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland, badiba ay dalalka adduunku danaynayaan inay maalgashi ka sameeyaan, ayna majeerteen sida bulshada Somaliland diyaarka ugu yihiin in dalkooda la maalgashado, madaama shirkado caalamiyi ku dhiiradeen maalgelinta Somaliland, wasaaradda maalgashiguna iyadoo ka duulaysa doorkeeda iibgeynta maalgashiga dalka uu wasiir ahaan la wadaagay fursadaha maalgashi ee wadanka.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories