HomeGolaha Wasiirrada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Diyaar-garowga Doorashooyinka

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Diyaar-garowga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagaga dooday Diyaar-garowga Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo loo muddeyey inay dalka ka qabsoomaan horaanta sannadkan.

Shirka oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxa sidoo kale warbixinno lagaga dhegaystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ay ugu horeyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

“Fadhigii 69aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo warbiximo lagaga dhegeystay qaar ka mida wasaaraddaha, lagagana dooday arrimaha diyaar garawga doorashooyinka.

Ugu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda waxbarashada dalka, isagoo xusay in wasaaraddu ku hawlan tahay kor u qaadida waxbarashada dalka iyadoo fulinaysa siyaasada xukuumadda ee ah in waxbarashada tayadeeda iyo gaadhsiinta goob walba la hirgeliyo.

Wuxuu goluhu dood ka yeeshay diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo fool leh, madaama ay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinku, waxaana goluhu go’aamiyey innaan la ogolayn in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyagoo ku gudda jira shaqadii qaranka inay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo ee hankooda tartanka doorashooyinka, balse cidii danaynaysa inay ka qayb-galaan doorashooyinka waa inay banneeyaan shaqooyinka ay qaranka ka hayaan.

Ugu danbayn wuxuu madaxweynuhu golaha ku adkeeyey inay dardar-geliyaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda sannadka cusub.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories