HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Ciidanka Dab-demiska Qaranka

Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Ciidanka Dab-demiska Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey xeerka Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo fadhiyadii u dambeeyey dooddiisu Golaha ka socotay.

Fadhiga maanta Golaha Wakiillada oo ahaa kii 96aad ee Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxa kale oo maanta la horkeenay Xeer ay soo diyaarisay wasaaradda Caddaaladda Somaliland, kaas oo loogu talo-galay adeegga Sharci ee loo qabto Dadka aan awoodin inay qabsadaan Qareen uga dooda maxkamadaha dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faahfaahiyey fadhiga maanta golaha Wasiirrada, ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 96aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga hadlay qodobbo door ah.

Ugu horreyn, goluhu waxa uu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu ka xog-warramay xaaladda amniga dalka.
Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo golaha uga xog-warramay geeddi-socodka diyaarinta miisaaniyad sannadka 2023-ka iyo meelaha ay miisaaniyaddu muhiimadda saarayso, sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay war-bixinta shirka madasha dhaqaalaha Somaliland (Somaliland Economic Forum) kaasi oo la qabandoono horaanta bisha September ee sannadkan.

Dhinaca kale, Wasiirka Caddaalladda Somaliland mudane Saleebaan Warsame Guuleed ayaa golaha wasiirrada horkeenay xeerka Adeegga Kaalmada ee dadka aan qabsan Karin Qareen udooda, xeerkan oo ay wasaaradu la kaashatay diyaarintiisa xafiiska Garyqaanka Guud ayaa wasiirku waxa uu sharraxay qaybaha uu ka kooban yahay iyo muhiimadda uu u leeyahay dadka aan awoodin in ay qabsadaan Qareen udooda.

Gaba-gabaddii shirka, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo doodiisu golaha ka socotay fadhiyadii golaha ee kan ka horreeyey, waxana oggolaaday 29 xubnood, waxa diiday 2 xubnood, cid ka aamustayna may jirin, sidaasina uu ku ansaxay xeerkaasi.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories