HomeGolaha Wasiirrada Somaliland oo ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2022-ka oo Boqolkiiba 17 Korodhay

Golaha Wasiirrada Somaliland oo ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2022-ka oo Boqolkiiba 17 Korodhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ciidammada Kala duwan oo Boqolkiiba 20 mushaharka loo kordhiyey

Miisaaniyadda Siyaasadda Arrimaha Dibaddaoo la kordhiyey

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta yeeshay Fadhigoodii 84aad, ayaa dood dheer iyo falanqayn kaddib maanta ansixyey Odoroska miisaaniyad-sannadkeedka 2022-ka.

Fadhiga maanta Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu meel-mariyey Miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, taas oo cadadkeedu dhanyahay 3,447,802,505,538 SLSH (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol Afrtan iyo Toddoba Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba Milyan, Shan Boqol & Shan Kun iyo Shan boqol Soddon iyo siddeed Shilin), waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii sannadkii hore ka badan tahay 17%. Miisaaniyad-sannadeedkii 2021 ayaa ahayd 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan).

blankSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022-ku waxa ay u kala korodhay Miisaaniyadda guud ee dawladda oo 17% korodhay, Miisaaniyadda Dawladda dhexe oo 11% korodhay, Miisaaniyadda dawladaha hoose waxa korodhay boqolkiiba 44, Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda oo korodhay 12%, Mashaariicda mucaawimooyinka dibeda oo iyagana miisaaniyaddoodu korodhay 41%.

Warku waxa uu intaas ku daray Odoroska miisaaniyadda sannadka 2022-ka ay ku jirto 20% loo kordhiyey Mushaharka Ciidammada kala duwan ee dalka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022 muhiimadda koowaad lagu saari doonaa Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka, Xakamaynta sicir-bararka,  Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland, Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka, Xoojinta amniga,  Qabashada iyo soo saarista biyaha, Ku-talogalka abaaraha, Xoojinta keydka qaranka, Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada, Dhiirrigelinta wax-soo-saarka, Deegaanka,  Xoojinta ictiraaf raadinta, Kaabayaasha.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, wasiirka wasaaradda Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo qodob qodob u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, waxaanu xusay inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyada oo ay xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho-dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka.

Guntii iyo gebo-gabadii waxa warka ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in dood iyo falanqayn dheer kaddi uu  madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi amray in cod loo qaado ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 30 masuul oo isagu jiray wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno. waxaana in la ansixiyo u codeeyey 29 wasiir, halka uu Hal wasiir oo aan magaciisa la xusin ka aamusay ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories