HomeGolaha Wasiirrada  Somaliland oo Ansixiyey Odoroska Miisaanayad-sanadeedka 2018 oo intii hore ka...

Golaha Wasiirrada  Somaliland oo Ansixiyey Odoroska Miisaanayad-sanadeedka 2018 oo intii hore ka badan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kal-fadhi ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somalialnd  maanta oo Salaasa ah yeesheen oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2018-ka oo ay goluhu  dooddeeda hore u gudo galeen.

Odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2018-ka oo cadadkeedu dhan yahay  1687000,000,000 (Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling, ayaa xambaarsan korodh dhan 9%(Boqolkiiba Sagaal) marka loo eego  middii ka horraysay ee 2017-kii, waxaana  34.5% (Boqolkiiba Afar iyo Soddon iyo badh) kamid ah miisaaniyaddan  loo qoondeeyey mashaariic horumarineed, iyada oo Ciidamada qalabka sida iyo macallimiinta  mushaharkooda kor loo qaaday, isla markaana la kordhiyey raashinka maxaabiista jeelasha dalka ku jira.

8B7A9002Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si waayeelnimo ah uga hadlay  dedaalka iyo adkaysiga ay xubnaha golaha wasiirradu ka muujiyeen ku qancidda miisaaniyaddan, xilli uu dalku ku jiro duruufo kala duwan, waxaana uu yidhi, “Dooddaas aynu yeelanay wax badan baynu ku kala duwanaan karnaa, waxaynuse isugu soo ururnay, iyada oo dhoofkii xooluhu inaga xidhan yahay oo duruufo adag lagu jiro oo meelo badan oo kale  abaaro iyo dhibaatooyin kale ka jiraan in wasiir waliba sidaas uu wax u tabanayo ay haddana noqotay lagama maarmaan inaynu sidaas ku hawlgalno oo aynu dhexda xidhanno.”

Madaxweynaha oo ka hadlaya culayska ay  xubnaha golaha wasiirradu ugu dhiirradeen inay qaataan tashiilka lagu sameeyey kharashaadkii wasaaradaha ay qaabilsan yihiin iyo muhiimadda ay arrintaasi leedahay, ayaa tilmaamay in ku qancidda xaqiiqada jirtaa tahay tallaabo qaranku ku horumari karo, “Waxa ugu weyn ee dawladda lagu canaantaa waa dawladdu ha samayso gunti-giijin(Tashiil) oo ha yareeyeen kharashka ay bixinayaan, halka aynu ka duulnayna waa halkaas, waanad ku mahadsan tihiin in wasaarad walba iyada oo gunti-giijis adag loo sameeyey inaynu hadanna  maanta sidaas isla garanay, waayo waa inaynu ku dhaqannaa waxa runta ah ee ina horyaalla,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kaddib markii ay xubnaha golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka oo ah middii 26-aad ee qarankani yeesho, waxa faahfaahin kooban oo miisaaniyadda ku saabsan warbaahinta siiyey, Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxaana uu  mid mid u dul istaagay meelaha ay sida gaarka ah diirrada u saarayso, waxaana uu yidhi, “Waa markii ugu horraysay ee cadad intaas le’eg loo qoondeeyo mashaariicda horumarinta, miisaaniyaddani waxa ay diiradda saaraysaa adeegga aas-aasiga ah ee Bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo Biyaha, iyada oo ku salaysan wax soo saarka Beeraha iyo Kalluumaysiga, sida oo kale waxa saami looga qoondeeyey sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Somaliland iyo u diyaar-garowga Aafada Abaarta ee dalkeena kusoo noqnoqday.”

 

Miisaaniyaddan ay golaha wasiirradu maanta ansixiyeen oo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, waxa loo gudbiyey golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo waajibkooda ka gudan doona.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories