HomeGolaha Wasiirrada oo go'aamiyey tallaabooyin Adag oo laga qaadayo Shirkadda dalka keentay...

Golaha Wasiirrada oo go’aamiyey tallaabooyin Adag oo laga qaadayo Shirkadda dalka keentay Shidaalka Wasakheysan iyo Qodobbo lagu xoojinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta laga soo saaray qodobbo dhowr ah, waxaana qodobbadan ka mid ah sidii tallaabo looga qaadi lahaa shirkadaha dalka keenay shidaal wasakheysan oo saamayn ku yeeshay, cillado ku keenay gaadiidka dalka.

IMG_0000War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in qodobbada shirka ka soo baxay ay ka mid yihiin in hay’adda Ilaalinta Tayada ay la wareegayso hubinta tayada shidaalka la keenayo dalka.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, ayaa isagoo dhammeystiran u qornaa sidan:- “Kal-fadhigii tobnaad (10aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26.04.2018, ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Shirkan, ayaa si faahfaahsan loogaga dooday arrimo ku saabsan dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan ee nolosha ka haysta bulshada iyo caqabadaha soo kordhay, waxaana wax la iska weydiiyey sidii wada-jir loogaga bixi lahaa dhammaanba culaysyada  kala duwan ee bulshada haysta.

Dood iyo falanqayn dheer kadib,  kal-gadhiga golaha wasiirrada, waxa kasoo baxay qoddobo door ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa shidaalka wasakhaysan ee dalka soo galay, kaas oo khasaare gaadhsiiyey gaadiid tiro badan, isla markaana ay xukuumaddu u yeelan lahayd shaybaadh casri ah oo lagu hubiyo tayada shidaalka waddanka soo gelaya, waxaana qodobadda soo baxay ay u dhignaayeen sidan:

  1. In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shirkadihii keenay shidaalkii wasakhaysnaa ee dhibaatada soo gaadhsiiyey qaar kamid ah gaadiidka dalka.
  2. In Hay’adda Dhawrista tayada Somaliland ay la wareegto awoodda  shaybaadhka hubinta shidaalka ee yaalla xarunta keydka shidaalka, si loo sugo  tayada shidaalka dalka soo gelaya.
  3. In xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland keento lab (Shaybaadh) ay is u leedahay xukuumaddu laguna hubiyo tayada shidaalka waddanka soo gelaya, isla markaana kor loogu qaado awoodda hay’adda dhawrista tayada ee dalka.
  4. In wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiisku yeelato awoodda ugu dambaysa ee  shidaalka dalka gudihiisa lagu isticmaalayo.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu xubnaha golaha wasiirrada uga mahadnaqay doorkii muuqday ee ay ku lahaayeen horumarkii ay xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii 120-ka maalmood ahayd ee ay talada hayay.”

https://youtu.be/-y7-mVtH2YQ 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories