HomeGolaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2023 Oo Muhiimad Gaar ah Siinaysa...

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2023 Oo Muhiimad Gaar ah Siinaysa Qabsoomidda Doorshooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka Qaranka ee 2023-ka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa qodobbo ay ku jirto qabashada Doorashooyinka.

Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka oo dhan SHSL 3.5 Trillion, ayaa miisaniyadda sannadkan 2022-ka ka badan boqolkiiba 4, waxaanay muhiimad gaar ah siinaysa qodobbo ay ka mid yihiin ilaalinta Amniga, qabashada Doorashooyinka, Wax-soo-saarka Beeraha, Horumarinta Biyaha, ilaalinta Deegaanka iyo kor-u-qaadista barashada Farsamada Gacanta.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faahfaahiyey Arrimaha lagaga hadlay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, waxa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland xoojiyey inay xukuumad ahaan wax walba u hurayaan qabashada doorashooyinka oo kharashka ku baxaya lagu daray oddoroska miisaanad-sannadka 2023-ka.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Fadhigii 101aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa maanta la hor keenay Miisaaniyad sannadeedka 2023-ga oo ay dood iyo falanqayn dheer ka dib ku ansixyeen goluhu miisaaniyadaasi.

Miisaaniyad-sannadeedka 2023-ga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,581,440,706,340, (Saddex Tiriliyan, shan boqol iyo kow iyo sideetan Bilyan, afar boqol iyo aftan milyan, todoba boqol iyo lixdan kun iyo saddex boqol iyo afartan shilin. Waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii hore ka badan tahay 4% (Boqolkiiba afar).

Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2023-ku waxay u kala korodhay sidan:-

  • Miisaaniyadda guud ee dawladda
  • Miisaaniyadda Dawladda dhexe
  • Miisaaniyadda dawladaha hoose
  • Hay’addaha Madaxa Bannaan
  • Mashaariicda Dibeda

Waxay korodhay ama ka badna tahay tii hore 4% sannadkan, halka misaaniyada dawladda dhexe ay korodhay 5% marka loo eego misaaniyadii hore.

Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose:

  1. Amniga
  2. Doorashooyinka
  3. Wax-soo saarka beeraha
  4. Biyaha
  5. Kalluunka
  6. Ilaalinta deegaanka
  7. Ictiraafka
  8. Dugsiyada Farsamada gacanta iyo
  9. Barnaamijka Shaqo Qaran

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo dul istaagay golahana u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen iyagoo gudanaaya waajibaadka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad iyo xeerka maamulka maaliyadda Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5aad ayuu wasiirku sheegay inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyadoo Madaxweynaha Qaranka iyo xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2023-ka.

Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2023-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 32 wasiir oo dhammaantood u codeeyey, mana jirto cid ka maamustay iyo cid diidaytoona.

Ugu danbayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Biixi Cabdi ayaa ansixinta ka dib waxa uu sheegay in waxwalba loo huro qabsoomida doorashooyinka inagu soo fool leh, shacbiga Somalilandna waxa uu kula dar-daarmay inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaasi, qof walibana codkiisa cida uu doonayo uu siiyo, si walaaltinimo leh oo aan colaad lahayn.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories