HomeGolaha Wasiirada Somaliya Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyii Ciidanka Xooga Mid Cusubna...

Golaha Wasiirada Somaliya Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyii Ciidanka Xooga Mid Cusubna Magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Muqdisho(SLpost)- Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shirkoodii caadiga ahaa maanta yeeshay ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Xooga dalka Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), iyagoo magacaabay Taliye cusub.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay magacaabid taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo xil ka qaadista Taliyihii hore ee Ciidamada xooga dalka, waxaana dood dheer kadib, goluhu ay meel mariyeen magacaabista Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsi takhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soo baxay kulliyado kala duwan oo dalka dibaddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muscow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isagoo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60aad ee Baydhabo, taliyaha qeybta 21aad ee Dhuusa Mareeb.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa magacaabo Labo Abaanduule ciidan oo ka mid noqonaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories