HomeGolaha Wasiirada Somaliland Oo Go'aamiyay Ajaanibku Inay Dalka Kaga Baxaan Sodan Maalood

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Go’aamiyay Ajaanibku Inay Dalka Kaga Baxaan Sodan Maalood

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-Golaha wasiirada Somaliland ayaa soo saaray goaamo la xidhidha xuduudaha dalka iyo ajaanbka dalka gudihiisa jooga iyo ka soo galaayaba, waxa ay golaha wasiiradu goaan ku gaadheen in dalka laga bilaabo sanadka cusub in dadka ajaanibka ah ee jooga ay kaga baxaan sodan maalmood gudahood.

Waxa sida oo kale ay ugu baqeen ganacsatada huteelada,macdaarada iyo dhamaan goobaja adeegyada loo tog inay dadka waydiiyaan kaadhkooda dhalashada koobin ka reebaan intaanay u adeegin. waxa sidan lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada, waxaanu u dhignaasidan

WAR-SAXAAFADEED

 Go’aamo ay soo saartay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo la xidhiidha adkaynta Amniga iyo Nabadgelyada Dalka.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JSL oo uu shir-guddominayay Madaxwaynaha JSL, lana qabtay24/12/2015, kana dhacay hoolka shirarka ee Madaxtoyada, ujeedadiisuna ahayd adkaynta nabadgalyada iyo amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) iyo khataraha ka iman kara isu socodka, ayaa waxa lagaga dooday qodobada hoos ku xusan:

1) Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,

2) Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,

3) Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,

4) Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland,

Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga doodeen ugana baaraan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee Dalka Sharci-darrada ku jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay go’aamiyeen qodoban hoos ku xusan.

 GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA

 

1. Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:

 

Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa:

a) In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.

b) Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration Office” warqadda socdaalka ee ku laabashada dalkiisa “Go Home Paper” ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.

c) Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (shan iyo toban Dollar) qofkiiba.

2. Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u kala Safraya labada dal:

Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya “Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga baahan yahay in ay haystaan:

a) Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doono ama

b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),

Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga baahan yahay:

a) In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. Somaliland ama

b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID) ama

c) In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.

3. Arrinta Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga Dalka iyo Qul-qulka Tahriibayaasha:

1) Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise (Cir, Bad iyo Berri)’ fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland ka soo galayo, iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo galayo waxa uu qofku ka soo qaadan karaa dalka uu ka imanayo isagoo maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.

2) Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaabo 01.01.2016 ruux kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uu kaga baxo 30 cisho gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaato Warqadda Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka saaraan Dalka Jam. Somaliland.

 

3) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaan in Goobaha Ganacsiga sida Hoteellada la seexdo, Xawaaladaha, Guryaha la kireeyo, Macraddada Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan ilaa ay si buuxda u hubiyaan sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi “ID card” isla markaana ay nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.

4) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaa in Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintu ay iibiyaan sim-card-ka telefoonka aqoonsi la’aan. Cid kasta oo loo furayo khadka telefoonka waa in la diwaangeliyo, koobi aqoonsigooda ahna laga reebo.

5) Xukuumadda JSL waxay shacbi weynaha Jam. Somalilandka ku adkaynaysaa inay feejignaadaan kana wada shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacbi weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan go’aannada cusub isla markaana ay buuxda ula shaqeeyaan Hay’adaha Qaranka ee amniga ku hawlan.

6) Waxa reeban in qof ajaanib ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kasta oo aan u dhalan dalkan, waxa ku waajib ah in ay qaadato Warqadda Ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 cisho ku qaato Warqadda Ruqsadda Shaqada“Work Permit”. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan.

7) Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Laanta Socdaalka) iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani khusayso waa in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan meel marinta iyo fulinta go’aamadan saamaynta ku leh arrimaha nabadgelyada dalka.

8) Iyadoo laga duulayo xaaladaha amniga mandaqada Geeska Afrika, dhinaca kalena mudnaanta la siinayo nolosha iyo daryeelka muwaadiniinta JSL, Xukuumadda JSL waxay si cad ugu digeysaa Tahriibayaasha dalkeeda dhex mara. Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee ammaanka waxa la farayaa in ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories