HomeGolaha Wakiilladda Somaliland oo maanta Ansixiyey Xeerarka La-dagaalkaBudhcad-badeedda iyo Wareejinta Maxaabiista

Golaha Wakiilladda Somaliland oo maanta Ansixiyey Xeerarka La-dagaalkaBudhcad-badeedda iyo Wareejinta Maxaabiista

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 21 February, 2012 (SLpost)- Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay laba xeer oo kala ah Xeerka La dagaalanka budhcad badeedka iyo Xeerka Wareejinta Maxaabiista.

Fadhigan oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” waxaa madashaasi ka soo xaadiray 51 Mudane oo ka mid ah 82 Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiilada.

Labadan Xeer oo Xukuumadu u soo gudbisay Golaha wakiilada ayay Mudanayaashu dalbadeen in ay daruuri tahay sidii uu goluhu u meel marin lahaa labadan xeer oo ahmiyad ballaadhan ugu fadhiya guud ahaan qaranka, isla markaana uu xeerka hore ku fadhiyo la-dagaalanka budhcad-badeedda oo aanay Somaliland hore uga lahayn wax shuruuc ah oo ay kaga hor tagto iyo xeerka Wareejinta Maxaabiista oo caddaynaya inuu yahay xeer ka dhexeeya Somaliland iyo Waddan kale, kaas oo ay ujeedadiisu tahay in maxbuus Xukuman laga wareejiyo dalkii Xukumay isla markaana loo wareejiyo dal kale si uu xadhigiisa ugu qaato.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay in doodda xeerka budhcad-badeeddu ay hore golaha uga soo dhammaatay waxaanu u soo jeediyay inay is raaciyaan labada xeer oo cod gacan taag ah lagu meel mariyo, gudoomiyuhu wuxuu ugu horayn ka dalbaday mudanayaasha in si duuduub lagu ansixiyo labadan xeer  iyo in goluhu ka doodo, markii codkii la qaadayna waxa mudaneyaashu u bateen in sidaa lagu ansixiyo. 32 mudane, ayaa taageeray in si bilaa  dood ah lagu ansixiyo, waxa diiday 5 mudane, 12 mudanena way ka aamuseen.

Markaa kadib waxa cod gacan taag ah lagu ansixiyay labada xeer

  • Xeerka La dagaalanka Budhcad badeedka waxaa Ogolaaday 46 Xildhibaan waxaa diiday 3 Mudane,Hal xildhibaana wuu ka aamusay Gudoomiyuhuna Muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxmay Xeerkan oo ka kooban 14 qodob, lambarkiisuna yahay xeer/lam 52/2012..
  • Sidoo kale Xeerka Wareejinta Maxaabiista waxaa ogolaaday 32 Mudane, halka ay 5 Xildhibaan ka diideen kana aamuseen 13 Mudane Gudoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxmay Xeerkan isweydaarsiga maxaabiista oo ka kooban 24 qodob.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories