HomeGolaha Wakiillada Somaliland oo Shacabka ugu baaqay inay Meel uga soo wada-jeestaan...

Golaha Wakiillada Somaliland oo Shacabka ugu baaqay inay Meel uga soo wada-jeestaan ‘Cadaawadda Soomaaliya Caddeysatay’

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag cambaareeyey Hadallo ka soo yeedhay Dowladda Soomaaliya oo muujisay sida ay uga xuntahay horumarka dhinaca dibloomasiyadda iyo xidhiidhada siyaasadeed ee Somaliland la leedahay Dalalka Caalamka.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliland, ayaa lagu bogaadiyey madaxweynaha Somaliland safarka uu ku tagay dalka Guinea iyo dedaallada dibloomaasiyadeed ee Xukuumaddiisu ku xoojinayso xidhiidhka siyaasadda Dibadda.

blank

War-murtiyeedka Golaha Wakiillada Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

 

“Golaha Wakiilada JSL Isagoo ka duulaaya awooda Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ee Hagista siyaasada Guud ee dalka.

Isagoo goluhu yaqiinsan isbedelada iyo marxaladaha siyaadaha caalamka
Sidoo kalena Og Xuquuqda aasaasiga ah ee Aayo ka tashiga Umadaha aduunka (Self declaration).

Goluhu isagoo aaminsan xaqa umadda Somaliland u leedahay inay aayahooda kaga tashato isla markaaana hesho aqoonsi caalamiya waxa uu soo saaray Baaqan,

 

1. Golaha Wakiilada JSL waxa uu si buuxda u taageersan yahay safarka Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ku marayo wadamada Galbeedka afrika gaar ahaana Dalka GINI Waanu ku hambalyaynayaa talaabadaas taariikhiga ah ee uu qaaday.

 

2. Golaha Wakiiladu wuxuu uga mahadnaqayaa Dawlada Guinea Conakry sida qiimaha iyo gobonimada leh ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyoo weftigiisa

 

3. Golaha Wakiiladu wuxuu si xoogan u cambaaraynayaa hadalada cadaawada iyo kala fogaynta ah ee ka soo yeedhaya Dawlada Xamar ee aan iskeed isu maamulin.

 

4. Golaha wakiiladu waxa ay ka fiirsan doonaan sii socoshada wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

 

Gebagebadii Waxaanu beesha caalamka ka codsanaynaa inaanay indhaha ka qarsanin xaqiiqooyinka ka jira Somaliland isla markaana si dhaw indhaha loogu hayo cadaawada aan qarsashada lahayn ee dawladaas Xamar ula soo badheedhay bulshada Somaliland iyo dawladnimaadoodaba.” Sidaa ayaa lagu yidhi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories