HomeGolaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Jawaabay Dhawaaq Ka Soo yeedhay Baarlamaanka Soomaaliya

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Jawaabay Dhawaaq Ka Soo yeedhay Baarlamaanka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey dhawaaqyo Ka Soo yeedhay Soomaaliya oo soo saartay hadallo faro-gelin ku ah arrimaha gudaha ee Somaliland.

Warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ahna ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa lagu sheegay in Somaliland leedahay Goleyaal sharci-dejineed oo Shacabku soo doortay isla markaana aanay cid kale ku hadli Karin magaceeda.

“Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu soo doortay shacabku waxaa tiirarka u muhiimsan himilooyinkiisa iyo xilgudashadiisa ka mid ah sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland oo intaad ku daray Golaha Wakiilladu ka wakiil yahay dadwaynaha Somaliland, sida ku cad qodobka 39-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsaxaafadeedka oo jawaab u ah qoraal uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha Golaha Shacabka e baarlamaanka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in Golaha Wakiilladda Somaliland uu ku fadhiyo hab dimuqraadi ah oo ku salaysan doorashada hal qof iyo hal cod ah, halka baarlamaanka Soomaaliya ka yahay shaqsiyaad aan ku fadhiyin codka shacabkooda balse la soo xushay.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia, ayaa lagu sheegay inay guddi u magacaabeen xiisadda ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood, waxaana hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya lagu tilmaamay, “Daandaansi iyo duullaan lagu soo qaaday qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ku timid rabitaanka shacabka Somaliland ee doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ku doorta madaxdooda.”

“Waxa uu Guddoomiyuhu tallaabadaa qaaday iyada oo aanay cidnaba ka qarsoonayn in aan guddida Xamar laga magacaabay iyo mid la mid ah oo Somalia meteleysaa toonaa awood u lahayn soo gelitaanka xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland iskaba daa baadhis ay ka sameeyaane”, Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadedka ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland.

“Guddoomiyaha Golaha Muqdisho fadhigiisu yahay uu tixraacay wax uu ugu yeedhay Dastuur ku meel gaadh ah. Dastuurka uu xigtay maaha mid khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland oo 32 jirsatay, mana jirto wax tixgelin iyo aqoonsi ah oo uu ka leeyahay xuduudaha Somaliland ee sida caalamiga ah loo aqoonsan yahay.

Xuduudaha Somaliland waxa ay waafaqsan yihiin mabaadii’da sugan ee xeerarka caalamiga ah oo uu ka mid yahay heshiiska uu ku aasaasan yahay Midawga Afrika.

Sidaa darteed, warbixin kasta oo ka soo baxda Golaha Muqdisho marnaba kuma salaysnaan karto xaqiiq ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee deegaan ka mid ah qaranka Somaliland oo ay ku jirto Degmada Laascaanood ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo waxba kama duwana male-awaal iyo majara-habaabin loogu talo galay beesha caalamka.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland.

Waxa war-saxaafadeedka lagu soo gunaanaday baaq Somaliland u dirtay Beesha Caalamka, waxaana lagu yidhi, “Golaha Wakiilladu waxa uu guud ahaan beesha caalamka iyo cid kasta oo ay khusayso la socodsiinayaa in arrimaha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool wax-ka-qabashadeeda iyo xalkeeduu gaar tahay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo aanay marnaba jiri karin cid ka baxsan oo soo faragelin kartaa.”

“Ugu dambayn, Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug Ieh uga arrinsan doonaa arrimaha saamaynta ku leh masiirka ummadda, qarannimadeeda iyo karaamada shacabkeeda,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo lagu cadeeyay in kalfadhiga Golaha Wakiillada oo Dhowaan furmi doona lagaga arrinsan doono sii socoshada wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories