HomeGolaha Wakiillada Somaliland oo Digniin u Jeediyey Shirkadaha Korontada

Golaha Wakiillada Somaliland oo Digniin u Jeediyey Shirkadaha Korontada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddi-hoosaadka Kheyraadka Dabiiciga ah, Deegaanka iyo Tamarta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay hadallo hanjabaad u muuqday oo dhawaan ka soo yeedhay Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee dalka.

Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee dalka, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay hakinayaan adeegga korontada ee ay siiyaan maxaamiisha kaddib markii xukuumaddu soo saartay go’aan ay ku burisay qiimo-korodh dadweynuhu ka biyo-diideen oo shirkadaha Korontadu ku soo dallaceen macamiisha.

Shirkadaha ayaa bilowgii bishan June $0.34 ku kordhiyey qiimaha korontada Halkii Unit oo markii ahaa $0.50 haseyeeshe waxa go’aankaas hakiyey komishanka Tamarta ee Qaranka, waxaana kulan dhexmaray Masuuliyiinta shirkadaha iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada Somaliland kaddib la go’aamiyey in qiimihii hore ee Korontada lagu kordhiyo $0.10 sidaasna uu qiimaha Halka Unite ee Korontada ahi ku noqdo $0.60 iyadoo la tixgelinayo korodhka ku yimi qiimaha Shidaalka ee Caalamka.

“Arrintii maalintii dhawayd ku dhawaaqeen shirkaduhu ee ahayd inay joojinayaan korontadu, waa sharci-darro, goluhuna go’aan buu ka yeelanayaa. Korontada waxa iska leh Qaranka, iyagu lacag bay qaataan, xaq uma laha inay siday doonaan ka yeelaan,” sidaas ayay yidhaahdeen Guddiga kheyraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Guddiga oo Arrimahan ka hadlay

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories