HomeGolaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyaddii ugu Badneyd Abid iyo Guddoomiyaha Golaha...

Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyaddii ugu Badneyd Abid iyo Guddoomiyaha Golaha oo mudaneyaasha ku wargeliyey Fasax Todobaaddo ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 03 April, 2012 (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyaddii ugu tirada badneyn abid taariikhda Somaliland taas oo 23% ka badan miisaaniyaddii sannadkii hore.

blankFadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu Shir-guddoominayay Gudoomiyaha Aqalkaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ka hor intii aan la gudo-gelin ansixinta Miisaaniyadda, Guddoomiyaha Goluhu waxa uu mudaneyaasha u jeediyey qodobbo dhowr ah kuwaas ay ka mid ahaayeen

  • Markii la eegay qodobka 53/54/55 waxaa golaha u muuqday inaan xukuumadu wada fulin soo jeedimahii sanadkii hore ee golaha ee ku saabsanaa miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2011, gaar ahaan hawshii soo dhamaystirkii shuruucda Hay’adahii ay xukuumaddu abuurtay.
  • Waxaa kaloo golaha u muuqday in Xukuumaddu aanay hore u soo gudbin miisaaniyadda sanadka, sidaas darted waxaa goluhu u soo jeedinayaa Xukuumadda in hadda ka dib miisaaniyadda sanadka la keeno Bisha Decenbar ama bisha janaury.
  •  In markii la tixgeliyey soo jeedimaha Dooda hufan ee Golahu ka yeeshay Miisaaniyada 2012.
  • Markaanu tixgelinay in lagu jiro bisha afraad ee sanadka. Waxaa goluhu iclaamiyey in la gudagalo ansixinta Miisaaniyadda sanadkan 2012 oo cadadkeedu yahay Sideed boqol Sideetan iyo Lix Bilyan, afar boqol sagaashan iyo Lix Milyan, Shan boqol labaatan iyo sagaal kun sagaal boql iyo Sideetan Shiling Somaliland oo u dhiganta boqol iyo  Afartan iyo Todoba  Milyan, Todoba boqol afartan iyo sagaal kun afar boqol iyo labo iyo labaatan Doollar.

Intaa ka dib, Mudaneyaasu waxay gudo-galeen ansixinta miisaaniyada iyada oo ay Golaha ka soo xaadireen 57 Mudane. Waxaana ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2012 ogolaaday 37 xildhibaan, halka ay ka qaaddaceen 19 xildhibaan, 1 mudane wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanay ku ansaxday Miisaaniyadda sannadkan oo dhan 639,369,240,470 taas oo 23.19%,  ka badan tii hore waxaana ku jira mashaariic horumarineed oo ku wajahan addeegyadda bulshadda gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashadda, waxaanu dhaqan-galkeedu ka bilaabmi doonaa marka uu madaxweynuhu Saxeexo.

Gebagebadii fadhigaasi Gudoomiyaha Goluhu wuxuu iclaamiyey in goluhu gelayo fasax muddo sideed Todobaad ah oo ka bilaabmaya Maalinta berrito ee Arbacada ah.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories