HomeGolaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka oo madaxweynaha Somaliland hore u magacaabay.

blankFadhiga Golaha Wakiillada ee maanta oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, isla markaana ay ka soo xaadireen 67 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxa la horkeenay toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda oo madaxweyne Muuse Biixi magacaabay bishii January ee sannadkan.

Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda, ayaa kala ah Maxamuud Axmed Obsiiye, Siciid Maxamed Cilmi, Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim, Aadan Geedi Qayaad, Cabdalle Ibraahim Maxamed, Mukhtaar Cabdi Jaamac, Maxamuud Xasan Badde.

Afar Xubnood oo ka mid ah Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada, ayaa golaha Wakiillada cod-aqlabiyad ah ku ansixiyey, halka saddex xubnood oo ka mid ah ay xildhibaannadu diideen.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo cod gacan-taag ah geliyey ansixinta Guddiga, ayaa tirinta codadka ay heleen kaddib shaaciyey natiijada codadka xildhibaannada ee ay kala heleen xubnaha Guddiga.

Codadka ay kala heleen Toddobada xubood ee Guddoomiyuhu shaaciyey , ayaa u dhignaa sidan:-

  1. Siciid Maxamed Cilmi, waxa oggolaaday 41 xildhibaan, waxa diiday 19 mudane, 6 xildhibaan baa ka aamusay
  2. Maxamuud Xasan Bade, waxa 42 oggolaaday, 14 baa diiday, 10 baa ka aamusay
  3. Aadan Geedi Qayaad, 42 xildhibaan, 16 baa diiday, 9 baa ka aamusay
  4. Cabdalle Ibraahim Maxamed 42 oggolaaday, 14 diiday, 10 baa ka muusay
  5. Maxamuud Axmed Obsiiye 41 mudane, 21 baa diiday, 4 baa ka aamusay
  6. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim 43 oggolaaday, 15 diiday, 8 baa ka aamusay
  7. Mukhtaar Cabdi Jaamac 41 oggolaaday, 12 diiday, 14 ka aamusay.

Saddexda xubnood ee u guul-darraystay inay ka gudbaan ansixinta Golaha, ayaa kala ah Siciid Maxamed Cilmi, Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo Maxamuud Axmed Obsiiye oo saddexdoodu helay midkiiba 41 Cod oo ah kala badh codadka xildhibaannada Goluhu ka kooban yahay

blankSaddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa muddo-xileedkooda oo 10 sanno ahi ku egyahay dhammaadka sannadkan, waxaana la filayaa in diiwaangelinta ururrada siyaasaddu bilaabmaan bisha Lixaad ee sannadkan, maadaama oo xeerka Furista ururrada ee Xeer Lr14 dhigayo in diiwaangelinta ururrada siyaasadda la furo lix bilood ka hor wakhtiga uu ku egyahay muddo-xileedka Xisbiyada.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda, waxaanay ku doodayaan in doorashada madaxtooyada oo ku beegan dhammaadka sannadkan la qabto, waxaanay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada xisbi isla markaana uu u soo saari lahaa laba xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories