HomeGolaha Wakiillada oo Meel-mariyey Xeerka Xabsiyada Somaliland oo laga rifay Awoodaha Wasiirka...

Golaha Wakiillada oo Meel-mariyey Xeerka Xabsiyada Somaliland oo laga rifay Awoodaha Wasiirka Cadaaladda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey eerka Xabsiyada Somaliland oo Golaha Guurtida Wax-ka-beddel iyo kaabis ku samaysay isla markaana meesha lagaga saaray awoodo dheeraad ah oo xeerkani siinayey Wasiirka Cadaaladda Md Xuseen Axmed Caydiid.

shir-guddonXeerkan oo markii hore golayaasha sharci-dejinta uga tagay wasiirka Cadaaladda oo ku darsaday qoddobo Awoodo dheeraad ah siinaya, balse awoodahaas badankooda waxa rifay Golaha Guurtida oo Xeerkan markii laaabaaaad kusoo celiyey Aqalka Wakiillada, iyada oo markii hore xeerku ka koobnaa 22 qodob ka hor intii aan guurtida loo gudbin, kuwaas oo ka hadlayey talaabooyinka ay qaadayaan Maamulka Xabsiyada iyo Taliyaha Asluubtu iyo inay kala-tashan karaan ama fulin karaan amarro uga yimaadda Wasiirka Cadaaladda.

Dhamaan qodobada Guurtidu beddeshay ayaa ku saabsan Awoodo Wasiirka Caddaaladdu ku lahaa Maamulka Xabsiyada, kuwaasi oo ku aaddanaa amarro ama talooyin taliyeyaasha Xabsiyada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubtu siinayaan ama ka qaadanayaan Wasiirka Caddaaladda, balse haatan lagu koobay in go’aamada iyo Tallooyinka la xidhiidha Xabsiyada ay leeyihiin isla markaana ay kala qaaataan Taliyeyaasha Xabsiyada, Hogaanka Xabsiyada iyo taliyaha Ciidanka Asluubtu.

Doorka Wasaaradda Caddaaladda ee Xabsiyadda ayaa lagu koobay, dejinta siyaasadda qaran ee Xabsiyada, Kormeerista iyo dabagalka Xaaladda Xabsiyada, u hawl-galida Dhaqaalaha Xabsiyada, tayaynta iyo kor-u-qaadista aqoonta taliyeyaasha, soo saarista Xeer-nidaamiyeyaasha iyo arrimo kale oo Maamulka Guud khuseeya, balse waxaa laga saaray awoodaha wasiirka ee hawlaha Maxaabiista iyo Xabsiyada.

Fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 47 Mudane, waxa xeerka ogolaaday 42 xildhibaan, waxa diiday 1 mudane halka Afar mudane oo kalena ka aamuseen, Guddoomiyuhuna ma codeyn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerkan Xabsiga Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories