HomeGolaha Wakiillada oo Maanta Ansixiyey Hormadii Labaad ee Wasiirro Madaxweyne Siilaanyo dhowaan...

Golaha Wakiillada oo Maanta Ansixiyey Hormadii Labaad ee Wasiirro Madaxweyne Siilaanyo dhowaan magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay cod gacan-taag ah ku ansixiyey Wasiirro iyo Wasiir Ku-xigeenno uu bilihii la soo dhaafay xilalka u magacaabay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuwaasoo ansixintooda Golaha loo soo gudbiyey.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayay Xildhibaannadu ku-meel-mariyeyeen ansixinta Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka, Biyaha, Kalluumaysiga, Wasiiru-dawlayaasha Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Nabadaynta gobollada Bari halka sidoo kalena ay ansixiyeen Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Warfaafinta, Beeraha, Shaqada iyo arrimaha bulshada. Waxaana fadhigaa ka soo xaadiray Mudanayaal tiradoodu dhammayd 46 Xildhibaan oo ka tirsan 82 Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay.

Waxaanu Guddoomiye Cirro Mudanayaasha ka dalbaday inay cod gacan-taag ah ku ansixiyaan Masuuliyiinta liiskooda loo soo gudbiyey ee Madaxweynuhu dhawaan magacaabay, waxaanay codayntaasi u dhacday sidan:- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxaa ansixinteeda oggolaaday 45 Mudane, cid diidday iyo cid ka aamustayna ma jirin, Guddoomiyahuna ma codaynin sidaas ayaanay ku ansaxday Wasiirka Deegaanku.

Golaha_Wakiilladda_SomalilandWasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Axmed Cabdalle, waxaa oggolaaday 45 Xildhibaan, cid diidday iyo cid ka aamustay midna ma jirin, Guddoomiyahuna muu codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay Wasiirka Wasaaradda Biyaha.

Ansixinta Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax, waxaa oggolaaday 42 Mudane, waxaa ka aamusay hal Xildhibaan, waxaana diiday laba Xildhibaan, Guddoomiyahuna muu codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay Wasiirka Wasaradda Kalluumaysiga.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle waxaa ogolaaday 43 Xildhibaan, cid diidday ma jirin, waxaa ka aamusay laba Mudane, Guddoomiyahuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xooluhu.

Wasiirul-dawlaha Nabadaynta iyo horumarinta gobollada Bari Cali Maxamed Axmed (Cali-Sandulle), waxaa ansixiyey 45 Mudane, Guddoomiyahuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Wasiiru-dawluhu.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, waxaa oggolaaday 43 Mudane, waxaa diiday laba Mudane, cid ka aamustayna ma jirin, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasaanu ku ansaxay.

Wasiir Ku- xigeenka Wasaaradda Beeraha Aadan Ibraahim Maxamed, waxaa oggolaaday 43 Xildhibaan, hal Mudane ayaa diiday, hal Mudane-na wuu ka aamusay, Guddoomiyahuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Wasiir Ku-xigeenka Beeruhu.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, waxaa oggolaaday 44 Mudane cid diidday ma jirin, waxaana ka aamusay hal Mudane, Guddoomiyahuna ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Geesta kalena mudanayaasha golaha wakiilada waxaa loo qaybiyey xeerarka kala ah:

Xeerka hab maamuuska Madaxweynaha iyo Madaxweymne Ku-xigeenka. Xeerka HIV AIDS-ka, Xeerka Xabsiyada, Xeerka Ciidammada Booliska, qabyo qoraalka xeerka horumarinta waddooyinka, wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Qareennada iyo Xeerka Caasimadda.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories