HomeGolaha Wakiillada oo Cod Aqlabiyad ah ku meelmariyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015 iyo...

Golaha Wakiillada oo Cod Aqlabiyad ah ku meelmariyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015 iyo Jewigii maanta ee Golaha oo Buuq ka dhashay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015 oo maalmihii u dambeeyey hortaalay isla markaana ay doodo iyo falan-qayn ku sameeyeen Mudaneyaasha Golahaa, ka dib markii wasiirka maaliyaddu shalay warbixin faahfaahsan golaha ka siiyey ku-talo-galka Miisaaniyadda.

Odoroska Miisaaniyadda sannadka 2015 noqonaysa Miisaaniyaddii ugu xaddiga badnayd ee Qaranka Somaliland yeesho, ayaa dhan 251 Milyan oo Dollar, taas oo ay ku jiraan Kharashka doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo la filayo inay sannadka dambe badhtamihiisa ka qabsoomaan dalka.

Golaha Wakiillada oo Cod Aqlabiyad ah ku meelmariyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015 iyo Jewigii maanta ee Golaha oo Buuq ka dhashayFadhiga maanta ee golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayey guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan ay xildhibaannada mucaaradku ka abuureen fadhiga, ka dib markii laysku af-garan waayey Ajanadaha fadhiga maanta oo la keenay Warbixin ay soo diyaariyeen guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Daba-galka Musuq-maasuqa oo maalmihii u dambeeyey kormeerro kala duwan ku marayey gobollada iyo degmooyinka dalka, haseyeeshee waxa markii dambe laysla ogolaaday in la ansixiyo miisaaniyadda isla markaana dhegaysiga warbixinta Guddiga Daba-galka Musuq-maasuqu dib loogu dhigto fadhiyada dambe ee golaha.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 43 Mudane, waxa Odoroska miisaaniyadda 2015 ogolaaday ansixinteeda 39 xildhibaan, 3 mudane wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasaanay ku ansaxday miisaaniyaddu.

HALKAN KA DAAWO WARKAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories