HomeGolaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Wax Ka Beddel lagu sameeyey Xeerka...

Golaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Wax Ka Beddel lagu sameeyey Xeerka doorasha ee Xeer No. 20

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey afar qodob oo ka mida Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka oo uu ka codsaday Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Golaha oo maanta isugu yimi Fadhi aan caadi ahayn oo isla markaana uu shir-guddoominayey guddoomiyaha Golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Mudaneyaasha u soo jeediyey inay cod u qaadaan wax ka beddelka iyo Kaabista lagu sameeyey afar qodob oo farsamo ahaan ay soo jeediyeen Guddida doorashooyinka Somaliland.

blankGuddoomiyaha oo furitaankii fadhigaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi, “Waxa Goluhu ansixiyey wax ka badalka iyo kaabista Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka lifaaqiisa afraad. Madaxweynaha Somaliland lifaaqa afraad wuu saxeexay, waxaanu dhaqan geliyey 15 jully, hase yeeshee iyadoo la tix gelinayo Codsiga Guddida doorashooyinka qaranka oo soo jeediyey in Astaanta lagu badallo Namberka, iyadoo qabsoomida Doorashooyinku ay mihiimad wayn u leedahay hanaanka dimuquraadiyada Somaliland, iyadoo laga fogaanayo caqabad kasta oo doorashada dib u dhigi karta waxa Madaxweynaha Somaliland uu ka dalbaday Golaha wakiillada Somaliland inay iskugu yimaadaan Fadhi aan caadi ahayn si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan Lifaaqa 5aad ee Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka Somaliland,” Ayuu yidhi Guddoomiyaha wakiillada Somaliland.

Haddaba, Mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland oo cod u qaaday lifaaqa 5aad ee Xeerka Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay codbixintoodii u kala dhacday sidan:

37 Mudane ayaa ogolaaday wax ka beddelka lagu sameeyey Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka oo afar qodob ka koobnaaa. Afar Mudane ayaa diidey wax ka beddelka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerka doorashooyinka Somaliland halka 12 Xildhibaan ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay wax ka badalkii lagu sameeyey Xeerka Doorashooyinka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories