HomeGolaha Wakiillada oo Ansixiyey Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah iyo Muhiimadda uu leeyahay

Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah iyo Muhiimadda uu leeyahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Golaha Wakiillada Somaliland (PhotoFile)

Xeerkan waxa uu oggolaanaya in dalka laga furo ururro u dooda xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr-31/2020 oo kaabis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyay.

Wax-ka-beddelka iyo Kaabista lagu sameeyey Xeerka Shaqaalaha Rayidka oo ka soo noqday Golaha Guurtida oo markii hore loo gudbiyey, ayaa shalay loo qaybiyey mudaneyaasha Wakiillada si ay naaqishaad ugu sameeyaan, kaas oo mudaneyaasha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey.

Fadhiga maanta ee Golaha oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxa ka soo xaadiray 53 mudane oo ka mid ah 82 xildhibaan ee goluhu ka kooban yahay, waxaanu guddoomiyuhu cod gacan-taag ah u qaaday ansixinta xeer Lr 31/2020.

Kaddib markii codka loo qaaday Xeerka, waxa meel-markiisa oggolaaday 43 mudane, halka 9 xildhibaan oo kalena ka aamuseen, guddoomiyaha goluhuna ma codeyn, sidaas ayaanu ku dhaxan-galay xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ah mudaneyaasha mucaaridka ah ee Golaha, ayaa sheegay in xeerkani ahmiyad weyn u leeyahay shaqaalaha, waxaanu xusay in xeerkani ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah isla markaana uu qeexayo waajibaadka loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha.

Xeerkan oo muhiimad weyn u ah bed-qabka shaqada iyo shaqaalaha, ayaa oggolaanaya in dalka laga furo ururro metela isla markaana u dooda xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories