HomeGolaha Wakiillada oo Ansixiyey Wasiirro dhawaan madaxweynuhu magacaabay

Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Wasiirro dhawaan madaxweynuhu magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Lix Xubnood oo isugu jira Wasiiro,Wasiirul dawle iyo Wasiir ku Xigeen uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

blankFadhigan oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa waxa ka soo xaadiray 48 xildhibaan oo ka mid ah .

Ka hor intii aan la ansixin xubnahan ka tirsan golaha wasiirada somaliland ayaa waxaa taariikh nololeedkooda,khibradooda aqooneed iyo qoraalada raad raaca ee cadaynta u ah inaan Xukun Maxkamadeed ku dhicin ,golaha ka soo jeediyay xoghayaha guud ee Golaha wakiilada cabdirisaaq Siciid ayaanle, halka xubnaha la ansixiyeyna la siiyey muddo kooban oo ay qaab hawleedkooda ku soo bandhigayeen,waxaana mudanayaasha golaha wakiilada ay warbixin kaga siiyeen hawlaha wasaaradahooda,iyo balan qaadyo ku wajahan ka midho dhalinta Hay’adaha dawladeed ee ay qaranka uga Mas’uulka yihiin.

Markaas kadib waxay mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay cod u qaadeen ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirada kuwaas oo ku meel maray sidan:-

blank1.Wasiirka shaqada iyo arimaha Bulshada Axmed Maxamuud  Axmed Bare(Garaad) waxa ogolaaday inuu ahaado wasiirka wasaaradaas 45 mudane ,waxaana ka aamusay 2 mudane cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.

2. Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi galinta Md. Abiib Diiriye Nuur waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay laba mudane cid diidayna may jirin,gudoomiyuhuna muu codayn.

3 Wasiirka dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay 2 mudane cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn..

4. Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxa ogolaadayy 43 mudane,waxa ka aamusay 4 mudane cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna muuu codayn.

Wasiirul dawlaha nabadaynta gobolada Bare Kayse Cabdi Yuusuf waxa ogolaaday 42 mudane, waxa ka aamusay 5 mudane,cid diidayna may jirin,  gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay 2 mudane,cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories