HomeGolaha Wakiillada oo Ansixiyey in isku Mar la qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo...

Golaha Wakiillada oo Ansixiyey in isku Mar la qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada isku mar la wada qabto badhtamaha sannadka soo socda, waxaanay sidoo kale ansixiyeen Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha Somaliland oo Madaxweynuhu dhawaan u gudbiyey.

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADAFadhigii maanta  ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaa ka qayb-galay 66 Xildhibaan oo ka tirsan 82-ka Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanu Guddoomiyuhu furitaankii fadhigaas Mudanayaasha ku war-geliyey inay u codeeyaan in doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada mar la wada qabto iyo in wakhtiyo kala duwan la qabto.

Waxa kale oo uu Mudanayaasha ku war-geliyey in sidoo kale qodobka labaad ajandaha fadhiga maanta horyaallay yahay cod-u-qaadista Xeerka diiwaangelinnada Madaniga ah iyo Cod-bixiyeyaasha oo dooddooda Xildhibaannadu soo gebo-gabeeyeen Sabtidii todobaadkan. 64 Mudane ayaa oggolaaday in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada isku mar la wada qabto, halka uu hal Xildhibaan ka diiday, cid ka aammustay ma jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale, waxay Xildhibaannadu u codeeyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo ay Mudanayaashu hore ugu kala aragti duwanaayeen, waxaana u codeeyey in la ansixiyo Xeerkan 64 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, cid ka aammustay ma jirin Guddoomiyuhuna ma codayn.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo ku dhawaaqay natiijada Codaynta Mudanayaasha Golaha Wakiilladu u qaadeen wada-qabashada doorashooyinka iyo Xeerka diiwaangelinnada, waxa uu sheegay inay labadaas qodob ee ay Xildhibaannadu u codeeyeen-ba sidaas ku ansaxeen.

Waxa kale oo uu Guddoomiye Cirro ka hadlay muhiimadda go’aanka Golaha Wakiilladu maanta meel-mariyey u leeyahay dalka iyo dadka Somaliland. “Goluhu wuxuu isku raacay in hal mar la wada qabto doorashada Madaxweynaha iyo ta Golaha Wakiillada si looga raysto dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jiray iyo in laga nasto in sannad walba doorasho dalka ka dhacdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Go’aankan Xildhibaannada Golaha Wakiilladu maanta ansixiyeen ee ah in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, ayaa haddii uu sidaas ku meel-maro oo aan Golayaasha kale ee arrintani khusaysaa soo celin ee ay iyaguna ku raacaan, waxay doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dhacaan badhtamaha 2015-ka noqon doonaan doorashooyinkii ugu horreeyey ee la mataaneeyo, isla markaana Somaliland hal mar laga wada qabto haddii ay sidaas u dhacdo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories