HomeGolaha Wakiillada oo Ansixiyey Guddiga Cadaaladda oo ay Isku Shaan-dheyn ku sameeyeen...

Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Guddiga Cadaaladda oo ay Isku Shaan-dheyn ku sameeyeen iyo Magaca Xubin ay diideen Ansixintiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (ciro),  waxa ay Mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xubin ka mid ah Gudida cadaalada  iyaga oo xubin kalana dib u celiyay.

Fadhigan oo ay ku sugnaayeen 45 mudane ayaa waxa ay cod u qaadeen laba xubnood oo  loo soo xulay in ay ka mid noqdaan Gudidada cadaalada  sida uu dhigayo hor yimi  sida uu dhigayo sharciga xeer nidaamiayaha golaha wakiiladu,  waxaana fadhigaas xoghayaha guud ee golaha wakiiladu ka soo jeediyay  taariikh nolalaeedka waayo aragnimo iyo aqooneed  ee labada xubnood  oo kala aha Shariif Ibraahim Cumar iyo Cali Axmed Maygaag.

Golaha_Wakiilladda_SomalilandWaxa   mudayaashu  cod aqlabiyad ah oo dhan 45 mudane ku   ogolaadeen  Shariif Ibraahim Cumer in uu xubin ka ahaado gudida cadaalada  iyada oo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay ,  gudoomiyuhuna  ma  codayn sidaana ay ku ansaxday xubinimadiisa gudida cadaalada .

Intaasi ka dib waxa ay mudanayaashu gudo galeen ansixinta Cali Axmed Maygaag oo ay u codeeyeen xubin nimadiisa gudida cadaalada 14mudane , islamrkaana ay ka  diideen 28 mudane  kana  aamuuseen 3 mudane iyadoo gudoomiyuhu aanu codayn sidaana  waxa uu ku  waayay  ka mid noqoshada gudida cadaalada , waxaana  xubintaas Goluhu dib ugu celiyay gudida garsoorka cadaalada iyo xuquuqul insaanka ee golaha wakiilada.

Dhinaca kale Boqor Axmed Iimaan Warsame oo ku hadlaayay afka beelaha la hayb sooco kana mid ahaa dadaweynaha  goob jooga ka ahaa fadhigaas  ayaa uga mahad celiyay golaha sida wanaagsan ee ay u tix galiyeen in ay xubin ku yeeshaan gudida garsoorka , islamarkaana ay soo nooleeyeen cadaaladii lagu yaqaanay Somaliland, waxaanu raali galin ka siiyay bulshada  Somaliland hadalo dhawaan ka soo  yeedhay qaar ka mida madax dhaqameedka beelaha Gabooye.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories