HomeGolaha Wakiillada oo Ansixiyey Ajendaha Kaldhigooda 20aad, Berrina la horgeynayo Odoroska Miisaaniyadda...

Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Ajendaha Kaldhigooda 20aad, Berrina la horgeynayo Odoroska Miisaaniyadda 2013-ka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey ajandeyaasha horyaalla kalfadhigooda 20aad oo todobaadkan u furmay.

Ajandaha Kalfadhiga 20aad ee Golaha wakiilada ayaa waxa ka mid noqon doono dhaqangelinta Xeerar muhiimad leh kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerarka miisaaniyadda Qaranka iyo Maamuuska Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

 golaha-wakiiladaQodobbada Ajandaha Kaldhiga 20aad ee Golaha Wakiillada

• Warbixinta shir guddoonka, gudida joogtada ah iyo gudiyada Golaha wakiilada.

• Xog ogaal u noqoshada xaaladda Dalka.

• Mashaariicda sharci ee Golaha horyaal.

Sidoo kalena xeerarka lagaga doodi doono kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada waxaa ka mid noqon doona.

• Xeerka miisaaniyadda Qaranka

• Wax ka bedelka Xeerka Qareenada

• Xeerka Booliska

• Xeerka maamuuska Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

• Xeerka ka ganacsiga Hawlaha baanka

• Xisaab xidhkii Dawladda ee 2008, 2009, 2010

• Xeerka Statics-Law.

Waxaa kaloo kalfadhigaasi hawlihiisa ka mid noqon doona

• U yeedhista mas’uuliyiinta Qaranka

• Ansixinta mas’uuliyiinta Qaranka

• Xeerarka ka soo noqda Golaha Guurtida iyo waxii kale ee soo kordha.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 42 Xildhibaan, ayaa 35 mudane ogolaadeen ansixinta ajandaha kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay lix Mudane, gudoomiyahuna ma codayn, sidaana waxaa ku ansaxay ajandaha kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada somaliland.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ansixinta ka bacdi, waxa uu mudanayaasha ku wargeliyey in maalinta berrito golaha la hor keeni doono odoroska miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2013, si goluhu u ansixiyo.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories