HomeGolaha Wakiiladu Ma Yahay Gole ka soo Baxay Hawlihi Qaranimo ee Loo...

Golaha Wakiiladu Ma Yahay Gole ka soo Baxay Hawlihi Qaranimo ee Loo Igmaday?

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Golaha Wakiiladu Ma Yahay Gole Ka Soo Baxay Hawlihi Qaranimo Ee Loo Igmaday, ISLA MARKAANA MA JIRAAN WAX DHAXAL GALA OO AY KA TAGAYAAN MUDADII 10KA SANNO AHAYD?

 

Golaha wakiilada oo afka qalaad loo yaqaano “ House of representatives “ isla markaana kamid

Ah waaxda xeer-dejinta oo ah mid kamida saddexda waaxood ee Qaranka ayaa nidaamka Dawladnimo Ka qaadata door muhiim ah oo waxtar leh iyaga oo qaata, soona jeediya go’aamada udanta ah bulshada Isla-markaana kasoo horjeesta in la qaado talaabo kasta oo ku lidi ah bulshada ama in la fuliyo Go’aanada waxyeelaynaya qaranimada.

Inta aanan ku dhaadhicin mawduuca  waxaan si guud mar ah aan wax idinka xasuusin doona qaar kamid Ah awoodaha iyo waajibaadyada uu Dastuurku u jideeyay Golaha wakiilada oo ah sida tan

  • Waxaa waajib ah inuu ogolaanshaha golaha helo qof kasta oo loo magacaabo wasiir, wasiir ku-xigeen iyo madaxda hay’adaha qaranka.
  • Ka doodista, wax ka sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta barnaamijka xukuumadda.
  • Ansixinta heshiisyada dawliga ah iyo kuwa keenaya culays dhaqaale oo cusub oo aan kusoo aroorin misaaniyada ama keenaya soo saarid ama waxka bedelid qaanuun.
  • In uu ugudbiyo golaha xukuumada talooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasada guud ee hogaaminta.
  • Uyeedhida xukuumada ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.
  • Dejinta xeerarka kala duwan .

Hadaba hadaan intaa kaga soo gudbo qaar ka mid ahaa awoodaha iyo waajibaadyada uu ujideeyay dastuurku Somaliland Golaha wakiilada ayaa shakhsiyan aniga iila muuqda kuwo aanay waxba kaqaban isla markaana aan odhan karaa Golaha wakiiladu way gabeen kuna guul daraysteen hawshii qaran ee loo igmaday waanay khasaariyeen bulshadii dooratay.

Golaha wakiilada ayaa mar walba la arkayay iyagoo ku dhex milmay laanta fulinta isla markaana ka qayb qaadanaya hawlaha fulineed ama siyaasada xukuumada isaga oo mid waliba dantiisa gaar ahaaneed wata oo aan haba-yaraatee marnaba fiirin danta guud.

May dhicin in Golaha wakiiladu marnaba uu dib ugu celiyo xukuumada masuul la magacaabay iyagoo xaqiijinaya inaanu ku munaasib ahayn xilka loo magacaabay aqoon ahaan iyo karti ahaan ama cadeeyay inuu masuul dawladeed kasoo bixi waayay xilkii loo igmaday.

May dhicin in golaha wakiiladu uu soo celiyay io barnaamij siyaasadeed oo xukuumadu soo gudbiso Iyaga oo meel kasoo wada jeeda marka laga reebo mid iyo laba isla- markaana, waxay noqdaan kuwo Iska horyimaada oo is khilaafa mar walba.

Ma jirto talo ama soo jeedin dhaxal gala oo ay si wadajir ah golaha wakiiladu ugu soo jeediyeen Xukuumada intii ay xilka hayeen.

Waxa jira xeerar badan oo qabyo ah isla-markaana muddo badan horyaalay golaha kana mid ahaa Ajandaha kal-fadhi kasta, kuwaasi oo uu goluhu u waayay awood uu ku meel mariyo.

Dhamaan qodobadaasi kor ku xusan iyo kuwo kaleba waxay kuu tilmaamayaan inaanay golaha Wakiiladu kasoo bixin kaalintii iyo doorkii ay ku lahaayeen qaranka iyaga oo weliba xilka hayay Mudadii la doortay labadeed iyaga oo helay wakhti dheeraad ah.

Ma qabo inuu jiro waxqabad muuqda ama arin dhaxal gala oo ay xildhibaanada golaha wakiiladu la Hor iman karaan bulshada si ay mar labaad u helaan kalsoonida shacabka oo is kugu soo taagaan doorashada dambe ee inagu soo fool leh.

Guntii iyo gunaanadkii maqaalkaygan waxaan  usoo jeedinaya  salaadiinta, cuqaasha,waxgaradka, Aqoonyahanada, siyaasiyiinta, ganacsatada, culimada iyo dhamaan bulshada kala duwan inay aad u Hubiyaan kartida iyo aqoonta qofka ay u dooranayaan goleyaasha qaranka si loo helo oo uu u buuxiyo kaalintii aynu u igmanay…………….waad mahadsantiin.

Waa aragti shakhsiya

Garyaqaan Mohamed Hassan jicsin

Tel: 063-4431510

Advocate_jicsin@outlook.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories