HomeGolaha Wakiiladda oo Ansixiyey raxan ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda

Golaha Wakiiladda oo Ansixiyey raxan ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...


Hargeysa(SLpost) -Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta axsixiyey wasaaradii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland u magacaabay xilalka kala duwan.

blank

Fadhiga maanta ee golaha  wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada md.Baashe Maxamed Faarax ayaa waxay mudanayaasha golaha wakiiladu cod ku meel mariyeen xubnaha wasiirada ah ee dhawaan la magacaabay.

Wasiirada ay maanta ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiiladu ayaa kala ah wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Cabdiraxmaan Yuusuf Duceel Boobe,wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele,wasiir ku xigeenka Arimaha debada Mawliid Maxamuud,wasiir ku xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Nuux Yuusuf Ducaale iyo ku xigeenka hay’adda shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi.

Ka hor inta aanay ansixin mudanayaasha golaha wakiiladu xubnahan ka tirsan golaha xukuumada ayaa waxa golaha hortiisa laga akhriyey CV-yada ay leeyihiin xubnahani.

Sidoo kale xubnahan ayaa waxa y golaha ka hor akhriyeen waxyaalaha ay  ka qaban doonaan wasaaradaha ay gacanta ku hayaan.

Ugu danbayntii mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa cod u qaaday ansixinta xubnahan ka tirsan golaha wasiirada waxaana golaha ka soo xaadir 42-ka mudane oo ka mida 82-ka mudane ee uu golaha wakiiladu ka kooban yahay, waxaanay codayntu  u dhacday sidan.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe waxa ogolaaday 41 mudane waxaana ka aamusay  1 mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele waxa ogolaaday 41 mudane  waxaana ka aamusay  1 mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiir ku xigeenka arimaha debada Mawliid Maxamuud Ibraahin waxa ogolaaday 42 mudane cid diiday iyo cid ka amustayna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiir ku xigeenk a Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan waxa ogolaaday 41 mudane waxa ka aamusay 1 mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Nuux Yuusuf Ducaale waxa ogolaaday 42 mudane cid ka aamustay iyo cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

Gudoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi waxa  ogolaaday 42 mudane cid ka aamustay iyo cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

Somaliland Post.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories