HomeGolaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranku Waa Kii Badbaadin Lahaa Qarankan La...

Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranku Waa Kii Badbaadin Lahaa Qarankan La Majaro Habaabiyey – W/Q: Mahad Cumar Siciid

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waan idin salaamayaa dhamaantiin, salaan ka dib . waxa aan marka hore soo dhawaynayaa GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA waxa aan leeyahay ilaahay ayaa idin waa fajiyey in aad wadanka ka badbaadisan kooxdan aan u tudhaynin dadka iyo dalkaba anaga oo og  sidii aad uga badbaadiseen cadawgii ku soo duulay Qaran madaxa banaan ee Somaliland una baahan in mar labaad kooxdan laga badbaadiyo Somaliland.

Waxa aan idin leeyahay GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKOOW  la idiinka baqi mayo in aad u mada majaro habaabisaan, waayo hadii aanu idinka baqayno Somaliland kamaydun badbaadiseen kaligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre.  Ilaahay ayaa idin waa fajiyey xili uu wadanku marayo xaalad aad u daran oo u baahan in  laga badbaado madaxweyne xilikiisii gabay iyo kooxdan ku shaqaysanaysa siga, waxa aad aragteen in nidaamkii dawladnimo ee jiray  dhamaantiiba lagu soo koobay xukumada aan waxay qabnayso iyo siyaasadeeduba cadayn oo ka been sheegtay buugii weynaay ee qolada mirqaansani qoreen ee umada looga dhigay kitaab lagu hagi doono horumarka shanta sanad ee soo socoda.

Wadanka gole  guurti ayuu lahaa oo umadda dhex  dhexaad u ah waxa jiritaankooda sheegaya xeerkaynu dhiganay ee dastuurka la yidhaa. Waxa ay noqdeen gole gabay xilkoodii oo ku shaqaynaya waxa loo soo yeedhiyo iyaga oon marnaba ka damqanayn umadda ay matalayaan ee ay odayaasha u yihiin , waxa kale oo jiray gole wakiilo oo iyagana ummada reer Somaliland ee gobolada ku nooli soo doorteen, golahaasi waxa ay ahayd in ka shaqeeyaan ariimaha sharciyaga iyaga oo ka eegaya dhinaca rabitaanka umada iyo qarankaba, laakiin waxa ay noqdeen gole aan ka fikirayn ummada soo dooratay oo iyaguna iska fadhiya kuna fadhiya si sharci daro ah, waayo sharciga doorashadu waxa uu leeyahay waxa la doortay oo kaliya shan sanadood waxana ay marayaan imika sideed sanadood waan shari daro waxa soo saaraana waa sharci daro.

Dastuurka qaranku waxa uu sheegayaa dawladu waxa ay ka kooban tahay saddex gole.  golaha baarlamaanka,Golaha Xukuumada iyo Golaha cadaalada ama maxkamada sare,sadexdii gole ee uu jideeyey dastuurku waxa ay noqdeen hal gole oo ay u taliyaan dad aan la garaynin halka ay u soo mareen qarankan Somaliland,waxa uu nidaamkii dawladnimo noqday  kala dambayna la’aan,waxa ay noqotay dawlad ku dhisan qaraabo kiish. Dawladi marka ay sidaa noqotana waxa soo dhawaada burburkeedii ileen wax kala dambayn ahi majirtee. Intaa waxa dheer waliba iyada oo shacabkii la khiyaamaynayo oo halkii ay shalay ka dagaalamayeen maanta loo wado. Kooxdan xukunka joogta waxa aan leeyahay inta aad xoolaha umada aad ku dhamaynaysaan dad aad soo abaabusheen oo guulwadayaal ah umada wax u qabta oo ka daaya waji ku macaashkan aad hantidii ku burburinaysaan.

Gabagabada waxa aan leeyahay GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA waxa aad tihiin kuwii loo baahnaa in ay wadankan badbaadiyaan, waayo cida maanta joogtaa maah cid laxejeclo ka hayso umadan reer Somaliland waan la idin sugayee soo dhawaada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories