HomeGolaha Guurtidu iyagaa xaq u leh inay go aamiyaan muddo kordhinta ee...

Golaha Guurtidu iyagaa xaq u leh inay go aamiyaan muddo kordhinta ee ha loo daba fadhiisto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland oo ah madasha ama golaha odayaasha ee uu qarankani ku faano, ayaa la sameeyey markii aynu qaranimadeena la soo noqonay, kaas oo noqonaya golahii ugu horeeyey ee la kowsada aasaaska qaranimada Somaliland, golahani waa mid taariikhwayn ku leh qarankan iyo umadiisaba.

Waa gole ay astaan u tahay badbaadinta wadanka iyo sii adkaynta qaranimada, iyagoo markasta ahmiyada saara nabadgalyada iyo waaritaankeeda, waa gole dhaqan ka dhigtay wadatashi iyo istix galin, sida oo kalana ku sifoobay dadaal iyo hawl karnimo ay kaga baxaan arimaha kuwooda ugu adag, golahani ayaa  lagu tilmaama inuu yahay goob cadaaladeed oo aan cidna u xaglin, marka ay noqoto wax kala saarid ama garnaqid,  shaqooyinkooda ugu muhiimsan ayey ku jirtaa inay markasta ka hawlgalaan, furdaaminta hadba arimaha inala soo gudboonaada  ee maaraha loo waayo,taas oo kale ayaana maanta hortaala golaha aynu ku faano ee guurtida , sida muuqata ee komishankuna cadeeyeen waxa dib u dhacday doorashadii la wada sugayey ee baarlamaanka iyo madaxtooyada , taas oo ay gudida doorashooyinku sheegeen in farsamo ahaan ay qaban karaan sanadka danbe badhtamihiisa.

Sidaa la ajligeed ma adaamo oo xukuuumada haatan iyo baarlamaankaba uu wakhtigoodu ku eeg yahay sanadkan gudihiisa waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo mudo kordhin intii macquula ee qarankan u dana, shaqadaasina waxaa iska leh golaha guurtida Somaliland ,sida uu gudoomiyaha golahaasi sheegay waxa ay samayndoonaan wadatashi fara badan iyagoo la samayn doona bulshada qaybaheeda kala duwan si loo gaadho go,aan wadankan u dana kaas oo aan cidna u danaynayn, hadalkaasi ayaa ah mid geesinimo leh waana ku hambalyeynayaa gudoomiye saleebaan, hadaba waxaa muhiima in lawada ogaado in galaha guurtidu yahay golaha badbaadinta qaranimadeena oo uu shacabka guud ahaana ka haysto kalsooni buuxda maxaa yeelay waxaa looga bartay hawl ay ku qabtaan daacadnimo isla markaana ay markasta arimaha ku jaangooyaan danaha qaranka iyo wixii umada u dana.

Hadaba waan in loo daba fadhiistaa golaha guurtida shaqadooda sida aynu horeba uga barangay ugama cabsi qabno wax aan qarankan u dan ahayn, waan in ka ogadaa inay xaq u leeyihiin inay xukuumada iyo baarlamaankaba u kordhin karaan intii ay u arkaan inay xal u tahay qarankan, waxaan leeyahay raga meelahaa ka dhaleeceeya golaha guurtida ee kalsooni daradu hayso inay hadalada aan qaban ka daayaan golaha milgaha iyo sharaftaba leh ,xukuumadan intii ay doonaan inay u kordhiyaan iyagaa xaq u leh, imikana sharci ayey ku fadhidaa marka uu wakhtigeedu dhamaadana intii loo arko inay qaranka dan u tahay ayaa loogu kordhinayaa, waana waajib, maxaa yeelay dadwaynaha ayaaba wax qabadkeeda ku diirsaday,,

Allaa mahad leh

W/Q : Nimco nuur

Email : nimco1432015@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories