HomeGolaha Guurtida Somaliland oo Kalfadhigooda 70aad Ku soo afmeeray Muran siyaasadeed ay...

Golaha Guurtida Somaliland oo Kalfadhigooda 70aad Ku soo afmeeray Muran siyaasadeed ay Qayb ka yihiin, Fasaxna galay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu dambeeyey Kalfadhigii 70aad ee Golahaas, waxaana xildhibaannada loogu sheegay inay muddo laba bilood ah fasax galaan.

blankFadhiga oo uu shir-gudoominayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu ku wargeliyey Xildhibaanada in bisha February ee sannadka soo socda la soo noqon doono, xilligaas oo uu furmi doono kalfadhiga 71aad ee golaha Guurtida.

“Waxaynu gaadhnay wakhtigii aynu golaha xidhi lahayn. Sanad barwaaqo weeyi, duufaanku inaga barwaaqo ayuu inoo ahaa, meelna dhibaato lagama soo sheegin, illaahay mahadii weeyaan, caanuhu malaha meelwalba waa yaaliin, meel waliba waa doog, dee soo arka reerihii, lasoo caano dhama ka warkeena. Hadii ilaahay ina gaadhsiiyo inagoo war hayna aynu kalfadhiga dambe halkan aynu furano oo aynu isugu nimaadno,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Saleebaan oo la hadlayey Xildhibaannada golaha Guurtida.

Isaga oo hadalkiisu sii watay, waxa uu yidhi, “Maanta bishu waa December 7, bisha February 7-deeda ayaa la soo noqonayaa, hadii alle yidhaahdo laba bilood oo gaw ah weeyi.”

Fasax ay galeen mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu taagan yahay khilaaf dhinaca siyaasadda ah oo ka dhashay go’aan uu goluhu dib ugu riixay xilliga doorashada Goleyaasha Baarlamaanka oo markii hore u muddeysnaa dhammaadka sannadka, kaddib markii ay muddo-kordhin laba sanno ah qalinka ugu duugeen Golaha Wakiillada, halka iyaguna muddo saddex sanno ah ku darsadeen.

Kalfadhiga 70aad ee Golaha Guurtida ee maanta soo xidhmay, ayaa u muuqda mid lagu soo af-meeray khilaaf siyaasadeed iska hor-keenay xisbiyada mucaaradku iyo xukuumadda talada haysa oo isku maan-dhaafsan arrimo sharci iyo kuwo siyaasadeed oo ku aroora Arrimaha Doorashooyinka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories