HomeGolaha Guurtida Somaliland oo ka dayriyey Xaaladda Waxbarashada Dalka

Golaha Guurtida Somaliland oo ka dayriyey Xaaladda Waxbarashada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigii shalay dood adag ka yeeshay xaaladda Waxbarashada dalka.

Mudaneyaasha Golaha Guurtidu waxa ay talo ahaan u soo jeediyeen in mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo saynisku inay kor u qaadis ku samayso tayada waxbarashada dalka, isla markaana tacliinta iyo aqoonta la gaadhsiiyo dadka reer guuraaga ah ee aan degganayn magaalooyinka iyo goobaha tacliinta leh.

blankMudaneyaasha golaha Guurtidu waxay intaas ku dareen in tirada ardayda fasallada fadhiisanaysa laga dhigo 45 arday, isla markaana kulliyado kala duwan loo sameeyo ardayda dugsiyada sare iyo in malcaamadaha Qur’aanka Kariimka ah lagu dhigo miisaaniyadda qaranka qoondo loogu daro.

Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha Indho, ayaa sheegay in jaamacadaha dawladdu aanay adeeg’bixin waxbarasho oo bilaash ah siinin ubadka askarta iyo dadka danyartu ay dhalleen, waxaanu soo jeediyay mar haddii aanay askartii iyo dadkii hantooda dhaqaale hoosaysay aanay waxba ugu filayn in laga kireeyo dhismayaasha dawladda ee ay ku jiraan.

Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha Indho, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Tusaale ahaan haddii aan jaamacadda Hargeysa soo qaado, lacagta jaamacadaha gaarka loo leeyahay lagu dhigto way ka qaalisan tahay, bajadka way ku jirta.

Dee haddaanay askarigii Tuka’raq joogay inankiisa aanay waxbarasho lacag la’aan ah siin kareyn maxaa loogu sheegayaa jaamacad dawladdeed sow in dhismaha laga kireeyo maaha.

Cammuud maxaa jaamacad dawladdeed loogu sheegaya? Adeeg bixinta waxbarasho waxa ay u baahan tahay in dib loogu celiyo dawladdii, sababtoo ah sidan ku socon mayso, aniga carruurtayda qaarba Camuud ka baxay, adduunyada lama arag Mareykana dhaho jaamacad Simisterkeedu 600-dollar yahay, qaaliga ayay kaga dartay”

Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xuseen ayaa soo jeediyay in tacliinta iyo aqoonta la gaadhsiiyo dadka reer guuraaga ah ee aan deganayn magaalooyinka iyo goobaha tacliinta leh.“Dadkii fuqurada ahaa iyo dadkii awoodooda dhaqaale liidatay midna waxba ma bartaan, markii waxbarashadii ku qaali garowda.

Laba meelood ayaa gurmad u baahan meeli waa furuqada dadka danyarta ah, in goobo waxbarasho loo sameeyo, dadkii xoola dhaqatada ahaana carruurtoodu buuriga uunbay cunaan, marka qorshe halaga yeesho sidii bulshadu ay waxbarasho ku filan u wada heli lahayd”

Xildhibaan Mamduux Cismaan Sheekh Xasan, oo ka warmay Qiso Cajiib ah oo uu macalin kala kulmay mid ka mid ah Jaamacadaha gaarka loo leeyahay waxaanu yidhi isaga oo qisadaasi si dareen taabasho leh uga waramaya.“Maalin dhawayd waxa aan la kulmay macalin jaamacadeed waxa uu macalin ka ahaa jaamacad gaar loo leeyahay, waxa ku dhacday arrin cajiib ah, wuxu yidhi ‘markaan ilaa saddex bilood dhigayay fasalka, ayaan maalintii danbe mid ka mida ardaydii fasalka aan is idhi su’aal weydii, ardaygii ayaa ii jawaabi waayay, waan yaabaybu yidhi, waan dul istaagay oo la hadal ayaan is idhi, arday ag fadhiyay ayaa igu yidhi macalin ‘macalin iskaga tag miyaanad ka war hayn, waan naxaybu yidhi waxaanu igu yidhi wuu dhaga’laayahay, waa ninka galaaska dhex fadhiya, oo intii aan wax dhigayayba miyuu joogay fasalka, haabu yidhi.

Taasi waxa ay ku tusaysa in waxbarashadii ganacsi gashay, arrimaha noocaas ah ee aan laga war hayn dhaawac ayay inagu keenayaan haddii aan waxba laga qaban”

“Manhajka waxbarashada Somaliland hala mideeyo, mid gaar loo leeyahay iyo mid dawladdeedba, si loo helo manhaj Qaran oo dugsiga hoose illaa heerka jaamacadeed ah.

Sidoo kale in la soo celiyo dugsiyadii farsamada gacanta si dhallinyarada soo baxaysa ay iyagu si iskood ah ugu shaqa tagaan”Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Weli Warsame Cali.

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ku taliyay in wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland qorshe ka yeelato, sidii loo tayeynlaha adeeg’bixinta waxbarasho ee dalka ka jirta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories